Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Guddiga dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Guddiga dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulanka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu maanta la qaatay guddiga dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Dalka ,waxaa looga hadlayay sidii loo dar dar gelin lahaa howlaha dib u eegista Dastuurka iyo sidii labada aqal ee Baarlamaanka ay si wadajir ah uga wada shaqeyn lahaayeen howlaha dhameystirka iyo hirgelinta dastuurka.

Guddoomiyaha guddiga dhameystirka iyo hirgelinta dastuurka ee Baarlamaanka Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa guddoomiyaha golaha shacabka uga warbixiyay howlaha guddiga uu qabsoomay, isagoo xusay inay meel wanaagsan u marayaan hanaanka wax looga badalayo Dastuurka dalka.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Guddoomiyaha golaha shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa guddiga uga mahad celiyay howlaha wanaagsan ee ay hayaan, isagoo sheegay in labada aqal ee Baarlamaanka dalka ay si wadajir ah ugu shaqeyn doonaan sidii dastuurka uu u noqon lahaa mid dhameystiran.

Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mas’uuliyiin ka socotay barnaamijka horumarinta Qaramada Midoobay ee UNDP oo golaha shacabka ka taageera dhinaca horumarinta guddiyada, waxayna ka wada hadleen xoojinta wada shaqeynta UNDP iyo golaha shacabka, sida uu Warbaahinta Qaranka u sheegay xildhibaan Maxamed Cabdulaahi Xasan Nuux oo ah habdhowraha golaha shacabka.

 

Previous Post

Wasiir Beyle “Dakhliga Dalka 58% ayaan Daboolnay”

Next Post

Wasiirka Difaaca iyo Taliyeyaasha ciidanka qalabka sida oo kormeeray qaar ka mid ah Xeryaha Ciidanka Xoogga “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Difaaca iyo Taliyeyaasha ciidanka qalabka sida oo kormeeray qaar ka mid ah Xeryaha Ciidanka Xoogga “SAWIRRO”

Wasiirka Difaaca iyo Taliyeyaasha ciidanka qalabka sida oo kormeeray qaar ka mid ah Xeryaha Ciidanka Xoogga “SAWIRRO”

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In