Monday, July 7, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxaa laga filan karaa Shirka Brussels? (Faallo)

admin by admin
July 15, 2018
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa oo siweyn loogu soo dhaweeyey Brussels+sawiro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si diirran loogu soo dhaweeyay Masar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si diirran loogu soo dhaweeyay Masar

July 6, 2025
Wasiirka Ganacsiga XFS oo socdaal shaqo ku tegay Laascaanood

Wasiirka Ganacsiga XFS oo socdaal shaqo ku tegay Laascaanood

July 6, 2025
Shirar badan oo looga hadlayay Arrimaha Soomaaliya ayaa dhowr mar lagu kala qabtay Waddano badan sida Turkiga, Ingiriiska iyo Belgium, kuwaasi oo si aad ah loogu lafaguray ajendayaal khuseeya Ammaanka, siyaasadda, dhaqaalaha, maalgashiga, horumarunta iyo kuwa kale, waxaana ka qeybgalayay Siyaasiyiinta Soomaaliyeed iyo Wadamada daneeya arrimaha Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

Midowga Yurub ayaa mar sii horreysay sheegay inay Soomaaliya ugu yaboohi doonaan dhaqaale gaaraya €89 Million oo Yuuro, oo u dhiganta ku dhowaad $105 Million oo Doollar, sida laga soo xigtay guddida Yurub.

Guddoomiyaha Midowga Yurub, Christos Stylianides ayaa bayaankan ku sheegay inay deeqdan Lacageed ugu tala galeen arrimaha Bini’aaddannimada, sida Dadka Labadii Sana ee ugu dambeeysay ku wax yeelloobay abaaraha, Fatahaadaha, Milaayiintii Qof ee ay Xoolahooda dhaafeen, iyo Dadka ay saameeyeen shaqaaqooyinka ka dhacay Dalka Soomaaliya.
“Waxaan bartilmaameedsan doonnaa Bulshada teeda nugul, waxaanan mudnaanta siin doonnaa Dadka Gacan qabashada dhabta ah, kuwa ay saamaynta ku yeesheen is beddeladii Cimmilada iyo kuwa ku waxyeelloobay shaqaaqooyinkii ka dhacay gudaha Soomaaliya” ayuu bayaankiisa ku sheegay Mr; Stylianides.

Midowga Yurub ayaa sheegay inay Soomaaliya u qoondeeyeen Sanadkii hore gargaar Lacageed oo ka badan kii hore, kaasoo gaaraya 119 Milyan Yuuro, una dhiganta 135 Milyan oo Doollar,kaasoo wax weyn ka tari doona xaaladda soo kabashada dhibaataddii ka dhalatay abaaraha, fatahaadaha iyo colaadaha.

Haddaba si loo sii ambaqaado arrintaasi iyo kuwa kaleba ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo u ambabaxay magaalada Brussels ee dalka Belgium, si uu kaga qeybqaato guddoominta shirka horumarinta Soomaaliya oo ka dhici doona magaalada Brussels 16 -17 bishan Luuliyo. Shirkani ayaa daba socda shirarkii horey uga dhacay London iyo Muqdisho oo lagu falanqeeyey amniga, siyaasadda, doorashooyinka, dhaqaalaha, arrimaha gargaarka iyo horumarinta guud ee dalka, iyadoona Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku soo bandhigi doonto arrimihii ka qabsoomay shaqooyinkii horey loo qorsheeyey iyo dejinta qorshayaasha mustaqbal.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo ka warbixiyay safarka wafdiga Madaxweynaha ayaa yiri “Qeybta labaad ee shirkan waxaan kaga hadli doonnaa, wixii ka qabsoomay qorshaha amniga qaranka ee lagaga hadlay shirarkii hore iyo guulaha laga gaaray, bixitaanka ciidamada Amisom ee waqtiyeysan, horumarka laga gaarey dhaqaalaha, haddii ay noqoto deyn-cafiska oo aan horumar ka gaarnay, dakhli-ururintii iyo miisaaniyaddii oo wax badan laga qabtay.

Raiisul-wasaare ku xigeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri: “Qeybta saddexaad waxaa lagaga hadli doonaa siyaasadda loo dhan yahay ee ku aaddan heshiiskii kheyraadka dabiiciga ah iyo sida loo qeybsanayo, nidaamka doorashooyinka, dib-u-habeyn lagu sameeyay dastuurkii oo haddana socda, iyadoona shantii cutub ee u horreeyay Golaha Wasiirrada lagu soo bandhigay Khamiistii la soo dhaafay, xeerkii doorashooyinka iyo nidaamkii doorashooyinka oo la isla qaatay, sidoo kale waxaa horumar laga gaaray shuruucdii doorashooyinka 2020-ka, xoojinta dadaallada wax lagaga qabanayo dhibaatooyinka ka dhasha abaaraha iyo fatahaadaha. Qodobbadaasi ayaa ugu muhiimsan ajandeyaasha lagu soo bandhigi doono shirka Brussels”.

Inta uu socdo shirkan Brussels waxaa sidoo kale jiri doona seddex shir-doceed oo lagaga hadli doono maalgashiga, Barakacayaasha iyo kaalinta haweenku ay ku leeyihiin dib-u-dhiska dalka, iyadoona ay ka soo qeyb-gali doonaan dhammaan dhinacyada ka shaqeeya hawlahan sida ganacsatada Soomaaliyeed, maalgashato caalami ah, hey’ado iyo xubno ka tirsan bulshada rayidka ah.

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gaaray Magaalada Brussels ee Dalka Belgium, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyey, waxaana halkasi ku soo dhaweeyey danjiraha Soomaaliya ee Midowga Yurub iyo mas’uuliyiin kale, waxaa kaloo shirkaasi ka qeybgali doonaa Maamul-goboleedyada Dalka iyo Gobolka Banaadir oo si khaas ah loogu casuumay shirkaasi.

Shirarakaani oo badnaa ayaa kan ugu dambeeyay waxa uu ka dhacay 2- bishii May ee sanadkan Magaalada London ee Cariga boqortooyada Ingiriiska, waxaana shir-guddoomiyay Raiisulwasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre, waxaana looga hadlay ammaanka Soomaaliya, tayeynta Ciidanka Soomaaliyeed iyo hanaanka ugu haboon ee ciidanka Soomaaliyeed ay ammaanka dalka ugala wareegi karaan Ciidanka AMISOM.

Haddaba maxaa laga filan karaa Shirkaan berri lagu wado inuu ka bilowdo Magaalada Brussels ee Dalka Belgium-ka?, su’aashaasi ayaan hordhigna Aqoonyahanno ku xeel dheer arrimaha Soomaaliya, kuwaasi oo arigtidooda ka dhiibtay, waxayna sheegeen in wax weyn laga filan karo waaro ayay yiraahdeen, Dowladda Soomaaliya way ka soo baxday inta badan ballamadii ay la gashay Ururada iyo Dowladaha u dhuundaloola arrimaga Soomaaliya, iyagoo tilmaamay in Soomaalida hadda wax looga qaban karo, iyana ay wax qabsan karto.

W.D: C/laahi Ruush

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa oo siweyn loogu soo dhaweeyey Brussels+sawiro

Next Post

Turkiga oo cambaareyay weearkii argagixiso ee ka dhacay Muqdisho.

Next Post
Turkiga oo cambaareyay weearkii argagixiso ee ka dhacay Muqdisho.

Turkiga oo cambaareyay weearkii argagixiso ee ka dhacay Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si diirran loogu soo dhaweeyay Masar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si diirran loogu soo dhaweeyay Masar

July 6, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Qaahira...

Wasiirka Ganacsiga XFS oo socdaal shaqo ku tegay Laascaanood

Wasiirka Ganacsiga XFS oo socdaal shaqo ku tegay Laascaanood

July 6, 2025
0

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Aadan Geesood, ayaa maanta safar ku tagay magaalada Laascaanood, xarunta...

Dhismaha cusub ee Wasaaradda Caafimaadka Koonfur Galbeed oo la daah-furay

Dhismaha cusub ee Wasaaradda Caafimaadka Koonfur Galbeed oo la daah-furay

July 6, 2025
0

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wasiirka Caafimaadka XFS ayaa si rasmi ah u Daah-furay Dhismaha cusub...

Wasaaradda Qorsheynta XFS Oo Daahfutay Daraasaad Ku Saabsan Doorka Aqoonta iyo Xirfadaha

Wasaaradda Qorsheynta XFS Oo Daahfutay Daraasaad Ku Saabsan Doorka Aqoonta iyo Xirfadaha

July 6, 2025
0

RADIO MUQDISHO, 06-JULY-2025- Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Iyo Maalgashiga XFS Maxamuud Cabdiraxmaan Faarax (Beene-Beene) ayaa maanta waxa uu  daahfuray daraasaad ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In