Tuesday, March 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xuska sanad guuradii 2 aad ee Afgambigii fashilmay ee Turkiga oo Muqdisho ka dhacday + Sawirro

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Xuska sanad guuradii 2 aad ee Afgambigii fashilmay ee Turkiga oo Muqdisho ka dhacday + Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Olgen Bekar oo maanta ka hadlayay xuska sanad guuradii labaad ee afgembigii dhicisoobay ee Turkiga ka dhacay 15 Luulyo, sanadkii 2016 ayaa ku dheeraaday dhacdooyinkii ku heeranaa isku daygaas fashiley iyo sidii geesinimada laheyd ee shacabka Turkiga uga dhiidhiyeen in nidaamkooda dowladnimo laga weeciyo dhabihii uu hayay.

Related posts

Tartamayaasha Buula-burte oo tartanka ka ciribtirtay Yaaqshiid, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Buula-burte oo tartanka ka ciribtirtay Yaaqshiid, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 9, 2026
𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚

March 9, 2026

Dajiraha ayaa xusay in isku daygaas Afgambi ay ku dhinteen ku dhowaad 300 oo ruux isla markaana ay ku dhaawacmeen in ka badan 2000 oo kale, afgambigaas  oo uu sheegay in ay ka gedaal ka taagnaayeen xulafada wadaadka dibad jooga ah ee Fatxulah Gullen.

Taageerada ay shacabka Soomaaliyeed muujiyay ayuu danjire Olgen Bekar ku sheegay in ay aheyd taarikh kale oo quluubta Turkidu ka go’i doonin, isagoo sheegay in dowlad iyo shacab dadka Soomaaliyeed aan loo kala harin is garab istaaga dalka iyo dadka Turkiga.

Danjire Olgen Bekar, safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya, ayaa sidoo kale sheegay in walaaltimadaas xoogan ee ka dhaxeysa Soomaaliya iyo Turkiga uu sii jiri doono.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, mudane Daahir Maxamuud Geelle, oo kamid ahaa mas’uuliyiintii munaasabadda lagu casuumay ayaa sheegay in isku daygii afgambi ee fashiley ee Turkiga ka dhacay uu ahaa bar madow uu ku dhigan taariikhda casriga ah ee Turkiga.

Mudane Daahir Maxamuud Geelle, ayaa sidoo kale, sheegay in abaal weyn u hayaan Turkiga dadka Soomaaliyeed isla markaana shacabka Turkiga ugu hambalyeeyay sida ay uga hortageen kuwa doonayay in ay xukunka wadanka xoog ku qaataan.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya, mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa tilmaamay in caadigan afgambiga uu yahay mid ceeb ah maadaama hubkii qaranka lagu waardiyaynayay lagu soo leexiyo isla calankii iyo shacabkii ay aheyd in lagu ilaaliyo.

Wasiirka, ayaa intaa ku daray in Soomaaliya inkastoo dhibaato ay ka jirto hana ay ka gudubtay in xukunka xoog lagu kala qaato taa bedelkeedana si dimoqraadiyad ah lagula kala wareego.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeybgalay xildhibaano ka tirsan labada golaha ee baarlamaanka, danjiraha dowladda Qatar ee Soomaaliya, mas’uuliyiin kale oo kala tirsan Soomaaliya iyo Turkiga.

Previous Post

Maxaa laga bartay Inqilaabkii fashilmay eeTurkiga? (Maqaal)

Next Post

Wasiirka Amniga XFS oo Muqdisho ka furay shirka dardar gelinta Howlaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda+Sawirro

Next Post
Wasiirka Amniga XFS oo Muqdisho ka furay shirka dardar gelinta Howlaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda+Sawirro

Wasiirka Amniga XFS oo Muqdisho ka furay shirka dardar gelinta Howlaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda+Sawirro

Tartamayaasha Buula-burte oo tartanka ka ciribtirtay Yaaqshiid, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Buula-burte oo tartanka ka ciribtirtay Yaaqshiid, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 9, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚

March 9, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta xafiiskiisa ku booqday Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Warbixinta Qaran ee Cimilada iyo Horumarka Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

Warbixinta Qaran ee Cimilada iyo Horumarka Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

March 9, 2026
0

Magalada Muqdisho ayaa martigelisay munaasabad lagu daahfurayay Warbixinta Qaran ee Cimilada iyo Horumarka Soomaaliya, taas oo si wadajir ah u...

Dekedda weyn ee Muqdisho oo ku biirtay Ururka Caalamiga ah ee Dekadaha IAPH

Dekedda weyn ee Muqdisho oo ku biirtay Ururka Caalamiga ah ee Dekadaha IAPH

March 9, 2026
0

Dekedda Weyn ee Muqdisho ayaa si rasmi ah ugu biirtay Ururka Caalamiga ah ee Dekedaha International Association of Ports and...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In