Thursday, September 11, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo “Waxaa naga go’an in aan beegsanno talada saxda ah, annaga oo shacab iyo dowladba wada soconna.”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
July 17, 2018
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo “Waxaa naga go’an in aan beegsanno talada saxda ah, annaga oo shacab iyo dowladba wada soconna.”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeeyb qaatay guddoominta Madasha Iskaashiga Soomaaliya ayaa sheegay in dadka Soomaaliyed ay maanta haystaan fursad taariikhi ah oo ku aaddan xoojinta iskaashiga iyo hor-u-socodka dalka, taas oo dhabaha u xaareysa in la gaaro himilooyinka shacabka.

Madaxweynaha ayaa xaqiijiyey in miraha Shirkii Iskaashiga Soomaaliya ee Muqdisho lagu qabtay Diseembar 2017-kii, ay ka mid ahayd qorsheyaasha lagu hormarinayo siyaasadda loo dhan yahay, kabashada dhaqaalaha, dib-u-habeynta laamaha amniga iyo dardargelinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Related posts

Golaha Wasiirrada oo si adag u cambaareeyay weerarkii ay Israa’iil ku qaaday dowladda Qatar

Golaha Wasiirrada oo si adag u cambaareeyay weerarkii ay Israa’iil ku qaaday dowladda Qatar

September 11, 2025
Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Suldaan Mustafa Awseed

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Suldaan Mustafa Awseed

September 10, 2025

“In la tixgeliyo oo la dhiirigeliyo rabitaanka Soomaaliya waxay na siinaysaa awood iyo kalsooni. Waxaan ogsoonnahay in aan si degdeg ah lagu xallin karin dhammaan caqabadaha ka jira Soomaaliya, laakiin qorsheyaal wax ku ool ah, shaqo hufan iyo qiimeyn joogto ah ayaa loo baahan yahay si loo gaaro natiijooyin la taaban karo. Waa in aan marnaba la oggolaan in la wiiqo geeddi-socodka, wadashaqeynta, xasilloonida, isla-xisaabtanka iyo horumarinta Soomaaliya.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sidoo kale tilmaamay horumarka ay dowladdu ka samaysay kordhinta dakhliga oo qayb ka ah qorshaha deymaha lagaga cafinayo Soomaaliya, xoojinta amniga iyo diyaarinta hannaanka dimuqraadiyadda doorashooyinka 2020-ka.

“Dadaalladaas idilkood waxaa udub dhexaad u ah in dhammaanteen aan si buuxda kaalinteenna uga qaadanno dowlad-dhiska iyo hirgalinta ajendayaasha ina horyaalla, innaga oo dhanka kale xoojinayna wadashaqeynta aan la leennahay beesha caalamka iyo bah-wadaagta kale.”

Madaxweynaha oo bogaadiyey wadashaqeynta iyo iskaashiga ka dhaxeeya Dowladda Dhexe iyo Dowladda Goboleedyada dalka ayaa sheegay in siyaasadda guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay aasaas u tahay wada-tashi iyo wax wada-qabsi.

“Madaama aan nahay dal ka soo kabanaya dagaallo sokeeye, waxaa naga go’an in aan beegsanno taladda saxda ah, innagoo shacab iyo dowladba wada soconna. Ma jiro, mana jiri doonto qof Soomaali ah oo laga tagayo ama laga xigsanayo gaarista horumarka aan higsanayno.”

Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa guddoomiyey shirka ganacsatada, isagoona ka jeediyey khudbad uu ku boorriyey ganacsatada iyo maalgashadeyaasha in ay kaalintooda ka qaataan dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan-doceedyo la qaatay wakiillo ka socda haweenka, Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Sweden Marwo Margot Wallström, Wasiirka Socdaalka dalka Canada, Mudane Axmed Xuseen iyo masuuliyiin kale.

Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee Brussels waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka XFS, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada dalka, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa goobjoog ku ahaa Madaxweyne Ku Xigeenka Midowga Yurub Federico Mogherini, Xoghayaha Qaramada Midoobay ee Arrimaha Siyaasadda Rosemary Diclo iyo Ergada Gaarka ah ee Qaramada Midoobey, Midowga Yurub iyo Midowga Afrika ee Soomaaliya, Ururradda Bulshada Rayidka, Safiirro iyo Wakiillo ka socday qaar ka mid ah dalalka taageera Soomaaliya.

Previous Post

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo shaacisay xilliga la bilaabayo Kaararka Aqoonsiga.

Next Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kula kulmay Brussels dhiggiisa Sweden iyo Wasiirka Socdaalka Canada “Sawirro”

Next Post
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kula kulmay Brussels dhiggiisa Sweden iyo Wasiirka Socdaalka Canada “Sawirro”

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kula kulmay Brussels dhiggiisa Sweden iyo Wasiirka Socdaalka Canada "Sawirro"

Golaha Wasiirrada oo si adag u cambaareeyay weerarkii ay Israa’iil ku qaaday dowladda Qatar

Golaha Wasiirrada oo si adag u cambaareeyay weerarkii ay Israa’iil ku qaaday dowladda Qatar

September 11, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuurriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii gardarrada ahaa ee maamulka Israa’iil u gaystay dalka...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Suldaan Mustafa Awseed

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Suldaan Mustafa Awseed

September 10, 2025
0

Guddoomiyaha Hey'adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Suldaan Mustafa Awseed, oo ka mid...

Ku-simaha Madaxweynaha JFS oo Qaabilay Safiirka  Qatar ee Soomaaliya

Ku-simaha Madaxweynaha JFS oo Qaabilay Safiirka Qatar ee Soomaaliya

September 10, 2025
0

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta...

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan miro-dhal ah la yeeshay madax ka tirsan Dowladda Ingiriiska

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan miro-dhal ah la yeeshay madax ka tirsan Dowladda Ingiriiska

September 10, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xalay magaalada Muqdisho kulan casho-sharaf ah kula yeeshay Agaasimaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In