Friday, September 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qaxooti Soomaali ah oo loo cusbooneysiinayo sharcigii ay ku joogeen Maraykanka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Qaxooti Soomaali ah oo loo cusbooneysiinayo sharcigii ay ku joogeen Maraykanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waaxda arrimaha gudaha iyo ammaanka Dalka Maraykanka (Homeland Security) ayaa Khamiistii Shalay ahayd sheegtay in ku dhawaad 500 oo Soomaali ah oo ka qaxday dhibaatooyinka argagaxisada iyo abaarta loo oggolaanayo inay ku sii joogaan Maraykanka illaa Bisha March ee Sanadda 2020-ka.

Tallaabadan ayaa waxaa soo dhoweeyay hay’adaha u dooda xuquuqda Qaxootiga iyo Sharci-dejiyaasha Mareykanka, kuwaas oo waday olole ay Madaxweyne Trump iyo maamulkiisuba ugu dhaadhicinayaan in Dadkan loo cusbooneysiiyo sharciga ku meel gaarka ah ee TPS-ka loo yaqaan.

Related posts

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

September 10, 2026
MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

September 10, 2026

Dadka qaadanaya sharciga ku meel gaarka ah ayaa si weyn ugu riyaaqay go’aankan, waxanay qaarkood oo la hadlay Jariiradda The Guardian sheegeen iney dhibaatooyin fara badan kala kulmeen Kooxda Al-Shabaab, isla markaana ay halkooda ku sugnaanayaan inta ay wax iska beddelayaan.

Soomaalida ku nool Dalka Maraykanka ayaa waxaa waayadii dambe soo food saartay caqabad ku saabsan joogista iyo qaadista Eheladooda ku xayiran Xeryaha Qaxootiga ee Bariga Afrika, markii uu saamayn ku yeeshay go’aankii uu Madaxweyne Trump ka qaatay soo galootiga.

Previous Post

Guddiga Amniga Qaranka oo go’aanno adag ka soo saaray waddooyinka xiran ee Magaalada Muqdisho.

Next Post

Guddiga Taakuleynta iyo wacyigelinta Ciidanka oo gaaray Johannesburg + Sawirro

Next Post
Guddiga Taakuleynta iyo wacyigelinta Ciidanka oo gaaray Johannesburg + Sawirro

Guddiga Taakuleynta iyo wacyigelinta Ciidanka oo gaaray Johannesburg + Sawirro

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

September 10, 2026
0

Waxaa magaalada Nairobi lagu qabtay Shirka Heerka Sare ee Iskaashatada Horumarinta iyo Wakiillada Diblomaasiyadeed ee Dib-u-soo-nooleynta Webiyada Nairobi, kaas oo...

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

September 10, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda

September 10, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka....

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo ka qeybgalay kulan ku saabsan “Waaga Cusub ee Xiriirka Türkiga iyo Soomaaliya”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo ka qeybgalay kulan ku saabsan “Waaga Cusub ee Xiriirka Türkiga iyo Soomaaliya”

September 10, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In