Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Fedraalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta shir-gudoomiyay shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay adkaynta amniga, ahmiyadda Shirkii caalamiga ahaa ee waxbarshashada sare iyo natiijadii kasoo baxday Shirkii Madasha Iskaashiga Soomaaliyeed ee Brussels.
Ugu horeyn wasiirka amniga gudaha xukuummadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islaaw (Ducaale) ayaa golaha u soo ban-dhigay qaraar qeexaya in amniga Caasimadda lagu wareejiyo booliiska, waxa ayna golohu isla oggolaadeen in mas’uuliyadda amniga caasimadda lagu wareejiyo booliiska, in dhammaan ciidanka xasilinta la hoos geeyo booliiska si ay uga qayb qaataan sugidda amniga iyo in ciidanka nabad-suggiddu ay mas’uul ka yihiin helidda xogta sir-doon ee gacan ka geysaneysa adkeynta amniga.
Golahu waxa uu faray taliyaha Booliiska Soomaaliyeed in uu hawl geliyo ciidanka Guutada 14-ka Octoober si ay uga qayb qaataan sugidda amniga iyada oo goluhu ku war-geliyay wasaaradda maaliyadda in ay bixiso mushaarka iyo xuquuqda guutada 14-ka October.
Wasiirka arrimaha dibadda xukuummadda federaalka Soomaaliya ayaa golaha wasiirada usoo jeediyay in goluhu u ogolaadaan mudanayaasha kala ah Cabdullaahi Maxamed Odawaa, Maxamed Axmednuur Tarsan iyo Cabdirisaaq Axmed Sh. Maxamed Shoolle in laga dhigo safiirro arintaas oo cod aqlabiyad leh golohu ku ansixiyay.
Golaha ayaa ugu danbeyn ka hadlay muhiimmadda uu dalka u leeyahy shirka caalamiga ah ee waxbarashada sare ee lagu qabtay Muqdisho, kaas oo intii uu socday leesla gartay in wadamada colaadaha kasoo kabanaya loo sameeyo urur jaamacadeed oo ay ku mideysanyihiin oo hormuud u tahay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa uga mahacdeliyay bahda waxbarashada Soomaaliyeed dadaalkii ay u galeen in ay dhisaan aqoonta bulshada Soomaaliyeed xilligii burburka isaga oo qiray in ay usoo adkeysteen xilli ay adkayd in lagu dhiirrado fulinta qorshayaal horumarineed oo bulshada lagu bad-baadinayo.