Sunday, June 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ololaha Isxilqaan oo Jimcihii labaad ka socda Muqdisho

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Ololaha Isxilqaan oo Jimcihii labaad ka socda Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Olalaha Isxilqaan ee 26-kii Luuliyo uu ku dhawaaqay Madaxweyne Farmaajo ayaa Jimcihii labaad oo xiriir ah ka socda magaaladda Muqdisho, waxaana saakay degmooyinka qaar ee Gobolka Banadir isugu soo baxay boqollaad dadweyne ah oo fulinaya codsigii Madaxweynaha ee ahaa in saacadaha todobaadkii labo saac iyo bar ka mid ah dadka Soomaaliyeed ay qabtaan shaqo Isxilqaan ah oo dalka dib loogu dhisayo.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kormeeray xarumaha lagu qabanayo Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kormeeray xarumaha lagu qabanayo Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare

June 20, 2026
Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS oo xilka la wareegay

Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS oo xilka la wareegay

June 20, 2026

Dadka saaka isu soo baxay ayaa ka shaqeynayay bilicda magaalada, iyaga oo hawl nadaafadeed ka qabtay waddooyinka muhiim ka ah ee Muqdisho, qaar ka mid ah dadkaas oo la hadlay SONNA ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin in ay dalkooda dib u dhiskiisa iyo hormarkiisa ay waqtigooda galiyaan.

Maamulka iyo shaqaalaha Madaxtooyada qaranka ayaa ka mid ah ahaa dadka saaka ka qeyb galay Ololaha Isxilqaan ee ka dhacay degmada Warta-nabadda, Aamino Siciid Cali Agaasime kuxigeenka Madaxtooyada oo SONNA la hadashay ayaa sheegtay in maamulka iyo shaqaalaha Madaxtooyadu ay todobaadkii labaad ka qeyb qaadanayaan Ololaha Isxilqaan.

“shaqaale iyo maamulba innaga oo fullineyna soo jeedintii Madaxweynaha ayaan u taagannahay todobaadkii labaad in ay ka qeyb qaadanno Isxilqaan, waxaana ku boorinayaa qof walba oo muwaadin ah in uu kaalintiisa muujiyo oo aan u midowno sidii dalkeena aan u hormari lahayn” ayay tiri Aamina Siciid Cali Agaasime Kuxigeenka Maamulka ee Madaxtooyada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhammaadkii bishii Luuliyo ka codsaday Shacabka Soomaaliyeed in ay muujiyaan isku xirnaan oo ay u istaagaan dib u dhiska dalka, waxa uuna ku dhawaaqay Ololaha Isxilqaan oo la doonayo in dib loogu dhiso goobaha danta guud, laguna hormariyo wadanka.

Previous Post

Guddiga Dib u-eegista Dasruurta oo kulan la qaatey Guddiga Madaxa banaan ee Xuduudaha iyo Federaaleynta Dalka+Sawiro

Next Post

Wacyigelin ku aadan dhismaha golaha deegaanka oo lagu qabtay Caabudwaaq “SAWIRRO”

Next Post
Wacyigelin ku aadan dhismaha golaha deegaanka oo lagu qabtay Caabudwaaq “SAWIRRO”

Wacyigelin ku aadan dhismaha golaha deegaanka oo lagu qabtay Caabudwaaq "SAWIRRO"

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kormeeray xarumaha lagu qabanayo Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kormeeray xarumaha lagu qabanayo Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare

June 20, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta kormeer ku tegay qaar ka...

Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS oo xilka la wareegay

Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS oo xilka la wareegay

June 20, 2026
0

Wasiiru dowlaha wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS mudane Abuka Jeylaani Sheekh ayaa maanta xilka u kala wareejiyay Agaasimaha Guud...

Xulka Qaranka Gabdhaha ee 17-sanno jirada oo dalka dib ugu soo laabtay

Xulka Qaranka Gabdhaha ee 17-sanno jirada oo dalka dib ugu soo laabtay

June 20, 2026
0

Waxaa maanta Dalka dib ugu soo laabtay Gabdhaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano, kuwaas oo ka...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo si rasmi ah u daahfuray imtixaanka shahaadiga Fasalka 12-aad ee dugsiga sare

Ra’iisul Wasaare Xamse oo si rasmi ah u daahfuray imtixaanka shahaadiga Fasalka 12-aad ee dugsiga sare

June 20, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa saaka magaalada Muqdisho si rasmi ah uga daahfuray Imtixaanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In