Thursday, October 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ololaha Isxilqaan oo Jimcihii labaad ka socda Muqdisho

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Ololaha Isxilqaan oo Jimcihii labaad ka socda Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Olalaha Isxilqaan ee 26-kii Luuliyo uu ku dhawaaqay Madaxweyne Farmaajo ayaa Jimcihii labaad oo xiriir ah ka socda magaaladda Muqdisho, waxaana saakay degmooyinka qaar ee Gobolka Banadir isugu soo baxay boqollaad dadweyne ah oo fulinaya codsigii Madaxweynaha ee ahaa in saacadaha todobaadkii labo saac iyo bar ka mid ah dadka Soomaaliyeed ay qabtaan shaqo Isxilqaan ah oo dalka dib loogu dhisayo.

 

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Hambalyo u diray xubnaha Soomaaliya lu matalaya Baarlamaanka Bariga Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Hambalyo u diray xubnaha Soomaaliya lu matalaya Baarlamaanka Bariga Afrika

October 16, 2025
Soomaaliya iyo Azerbaijan oo heshiis Diblumaasi ah kala saxiixday

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo heshiis Diblumaasi ah kala saxiixday

October 15, 2025

Dadka saaka isu soo baxay ayaa ka shaqeynayay bilicda magaalada, iyaga oo hawl nadaafadeed ka qabtay waddooyinka muhiim ka ah ee Muqdisho, qaar ka mid ah dadkaas oo la hadlay SONNA ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin in ay dalkooda dib u dhiskiisa iyo hormarkiisa ay waqtigooda galiyaan.

Maamulka iyo shaqaalaha Madaxtooyada qaranka ayaa ka mid ah ahaa dadka saaka ka qeyb galay Ololaha Isxilqaan ee ka dhacay degmada Warta-nabadda, Aamino Siciid Cali Agaasime kuxigeenka Madaxtooyada oo SONNA la hadashay ayaa sheegtay in maamulka iyo shaqaalaha Madaxtooyadu ay todobaadkii labaad ka qeyb qaadanayaan Ololaha Isxilqaan.

“shaqaale iyo maamulba innaga oo fullineyna soo jeedintii Madaxweynaha ayaan u taagannahay todobaadkii labaad in ay ka qeyb qaadanno Isxilqaan, waxaana ku boorinayaa qof walba oo muwaadin ah in uu kaalintiisa muujiyo oo aan u midowno sidii dalkeena aan u hormari lahayn” ayay tiri Aamina Siciid Cali Agaasime Kuxigeenka Maamulka ee Madaxtooyada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhammaadkii bishii Luuliyo ka codsaday Shacabka Soomaaliyeed in ay muujiyaan isku xirnaan oo ay u istaagaan dib u dhiska dalka, waxa uuna ku dhawaaqay Ololaha Isxilqaan oo la doonayo in dib loogu dhiso goobaha danta guud, laguna hormariyo wadanka.

Previous Post

Guddiga Dib u-eegista Dasruurta oo kulan la qaatey Guddiga Madaxa banaan ee Xuduudaha iyo Federaaleynta Dalka+Sawiro

Next Post

Wacyigelin ku aadan dhismaha golaha deegaanka oo lagu qabtay Caabudwaaq “SAWIRRO”

Next Post
Wacyigelin ku aadan dhismaha golaha deegaanka oo lagu qabtay Caabudwaaq “SAWIRRO”

Wacyigelin ku aadan dhismaha golaha deegaanka oo lagu qabtay Caabudwaaq "SAWIRRO"

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Hambalyo u diray xubnaha Soomaaliya lu matalaya Baarlamaanka Bariga Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Hambalyo u diray xubnaha Soomaaliya lu matalaya Baarlamaanka Bariga Afrika

October 16, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Xildhibaannada Soomaaliyeed ee maanta ay Golaha Shacabka ee...

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo heshiis Diblumaasi ah kala saxiixday

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo heshiis Diblumaasi ah kala saxiixday

October 15, 2025
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Azerbaijan ayaa ku heshiiyay in baasaboorada diblumaasiga ee labada dal laga dhaafo shuruudda dal-ku-galka, kaddib...

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka 72-aad ee WHO 

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka 72-aad ee WHO 

October 15, 2025
0

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa maanta ka qeyb galay Shirka 72-aad...

Soomaaliya oo ka qeybgal Shirweynaha Wasiirrada Qorshaynta iyo Dhaqaalaha Afrika

Soomaaliya oo ka qeybgal Shirweynaha Wasiirrada Qorshaynta iyo Dhaqaalaha Afrika

October 15, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa ka qeybgalay Shirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In