Wednesday, October 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxay Diinta Islaamka ka qabtaa in Qof Muslim ah Masjid lagu dhex dilo?

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
7 years ago
in Wararka
0
Maxay Diinta Islaamka ka qabtaa in Qof Muslim ah Masjid lagu dhex dilo?
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Culimada Soomaaliyeed ayaa si adag uga hadlay sida ay Diinta Islaamka uga fog tahay in Guriga Alle (Beytka Alle) lagu dhex dilo qof Islaam ah oo ku gudanaya mid ka mid ah Waajibaadka Alle uu saaray.

Alle ha naxariisteen Kormeere Labaad Xasan Cali Yuusuf oo ka mid ahaa Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ayaa Xalay Masjidka Sheikh Aweys waxay ku dileen Kooxo hubeysan isagoo Rakada Labaad ee Salaadda Cishaha ku jira.

Related posts

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

October 14, 2025
Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

October 14, 2025

Dhagar qabayaasha oo ku hubeysan bastoolado ayaa Marxuum Xasan Cali Yuusuf waxay dhowr Xabadood kaga dhufteen Madaxa,halkaasina uu ku dhintay.

Sheikh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed oo ka hadlay dilka Foosha xun ee lagula kacay Alle ha u naxariistee Kormeere Labaad Xasan Cali Yuusuf ayaa sheegay inuu yahay mid ka baxsan Diinta Islaamka in ruux Muslim ah Beytka Alle lagu dhex dillo.

“Al-Shabaab waa Caammo,Waa Fikrad meel kale laga soo minguuriyay oo aynaan cilmi u lahayn,iyagiina caqli malahan,” ayuu yiri Sheikh Nuur Baaruud Gurxan.

Sheikh C/qaadir Soomow ayaa sheegay in Kooxaha dhagar qabayaasha ay doonayaan iney dadka ka go’yaan Masaajida si ay Allahooda abuurtay u caabudaan,wuxuuna cadeeyay iney tahay fal lagula dagaalamayo Diinta Islaamka.

Sheikh Abdul Baari,ayaa carabka ku dhuftay in Kooxaha Albaabada Masaajida qoryaha iyo Bastooladaha la taagan ee rabba iney muslimiinta dhibaateeyaan ogaadaan in Alle bari ka yihiin,Nabagiisa “NNKH”  bari ka yihiin,Diinta Islaamkana bari ka yihiin,islamarkaana maalinta danbeysa cadaab adag ay la kulmi doonaan.

Sheikh Cali Wajiis oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed kana hadlay dilkii Foosha Xummaa ee Kooxaha Nabad-diidka ay u geysteen Alle ha u naxariistee Xasan Cali Yuusuf oo ka mid ah Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay ineysan banaaneyn in Guriyaha Ilaahey oo ah meel aamin ah laga dhigo meel dadka lagu cabsi geliyo,dhiigiisa lagu daadiyo,dadka lagu laayo,wuxuuna ugu baaqay in Ilaahey ka baqaan oo ay joojiyaan dhiiga Muslimka ay Beytka Ilaahey ay ku daadinayaan.

Dadkii Saaladda kula tukanayay Alle ha u Naxariistee Kormeere Xasan Cali Yuusuf oo xalay kooxo hubeysan ay ku dileen Masjidka Sheikh Aweys ee degmada Xamar Jajab ayaa sheegay iney argagaxeen markii ay maqleen Xabad ka dhex dhaceyso Masjidka,iyagoona hadalkooda intaasi raaciyay iney lama filaan ku noqotay dilka.

Previous Post

Maamulka Gobolka Banaadir oo soo gaba-gabeeyey latashiyada ku saabsan siyaasadda barakacayaasha+Sawirro

Next Post

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Next Post
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

October 14, 2025
0

14-ka Oktoobar,gaar ahaab 2017-kii waaa dhacdo aad u xanuun badan oo laheyd naxdin iyo amakaag,,kadib kolkii maalin qura ay dhibaatooyin...

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

October 14, 2025
0

Shirka Heer Wasiir ee Ururka Dhexdhexaadka Adduunka (Non-Aligned Movement – NAM) ayaa ka furmay magaalada Kampala ee dalka Uganda. ‎...

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

October 13, 2025
0

Iyadoo caalamku maanta u xusaysaa Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka, Soomaaliya waxay xusaysaa adkeysiga iyo geesinimada bulshada Soomaaliyeed...

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

October 13, 2025
0

Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay Warbixinta dib-u-eegista 4-aad ee barnaamijka wada-shaqaynta ah ee ay la leedahay Dowladda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In