Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab ayaa howlgalo ay ka sameeyn deegaano ka tirsan Gobalka Shabeellaha dhexe waxay kula wareegeen Tuulooyin ay ku dhuumaaleysanayeen Maleeshiyada Al shabaab.
Muuse Nuur Shuceyb oo ah Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Amniga degmada Balcad ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in Ciidamada Danab ay la wareegeen Tuulooyinka kala ah Daniga, Barwaaqo, Garasweyn iyo Walamooy, iyadoo dagaal uusan ka dhicin maadaama Argagaxisada markii ay maqleen in Ciidamada Danab ay usoo jiheysteen Tuulooyinkaasi ay ka carareen.
Sidoo kale wuxuu sheegay Guddoomiye kuxigeenka in Tuulooyinka ay la wareegeen ciidamada ay ku burburiyeen Saldhigyo halkaasi ay ku lahaayeen Maleeshiyada Jid iyo Jiho diidka ee Al shabaab oo halkaasi kasoo abaabuli jiray weeraro ay ku dhibaateeyaan shacabka ku nool deegaano hoostaga Degmada Balcad.
Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab oo guulo ka gaaray Howlgaladan ayaa bartilmaameedkoodu ugu weyn uu ahaa in gacanta lagu dhigo Daniga, halkaas oo Muddooyinkii dambe Shacabka ay ka cabanayeen dhibaatooyinka ay ugu geystaan Maleeshiyada Al shabaab, waxayna hada ciidamada Danab ku wajahan yihiin tuulada Basra.
Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya oo taageero ka helaya saaxiibada Beesha Caalamka ayaa Gobalada dalka ka wada Howlgalo dhulka iyo cirka ah oo lagu ciribtirayo Maleeshiyo Jid iyo Jiho diidka ee Al shabaab, waxaana Maalmihii ugu dambeeyay lagu guuleystay in la Burburiyo Saldhigyo dhowr ah sidoo kale la khaarijiyo qaar badan oo ka mid ahaa Argagaxisada oo qorsheynayay inay Shacabka Nabad galyada iyo Nolosha u diidaan.