Sunday, July 6, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamada Danab oo Maleeshiyada Al shabaab kala wareegay Tuulooyin hoostaga Balcad

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
August 7, 2018
in Wararka
0
Ciidamada Danab oo Maleeshiyada Al shabaab kala wareegay Tuulooyin hoostaga Balcad
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab ayaa howlgalo ay ka sameeyn deegaano ka tirsan Gobalka Shabeellaha dhexe waxay kula wareegeen Tuulooyin ay ku dhuumaaleysanayeen Maleeshiyada Al shabaab.

Muuse Nuur Shuceyb oo ah Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Amniga degmada Balcad ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in Ciidamada Danab ay la wareegeen Tuulooyinka kala ah Daniga, Barwaaqo, Garasweyn iyo Walamooy, iyadoo dagaal uusan ka dhicin maadaama Argagaxisada markii ay maqleen in Ciidamada Danab ay usoo jiheysteen Tuulooyinkaasi ay ka carareen.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo hawlgal ka wada deegaannada gobolka Hiiraan

July 5, 2025
Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

July 5, 2025

Sidoo kale wuxuu sheegay Guddoomiye kuxigeenka in Tuulooyinka ay la wareegeen ciidamada ay ku burburiyeen Saldhigyo halkaasi ay ku lahaayeen Maleeshiyada Jid iyo Jiho diidka ee Al shabaab oo halkaasi kasoo abaabuli jiray weeraro ay ku dhibaateeyaan shacabka ku nool deegaano hoostaga Degmada Balcad.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab oo guulo ka gaaray Howlgaladan ayaa bartilmaameedkoodu ugu weyn uu ahaa in gacanta lagu dhigo Daniga, halkaas oo Muddooyinkii dambe Shacabka ay ka cabanayeen dhibaatooyinka ay ugu geystaan Maleeshiyada Al shabaab, waxayna hada ciidamada Danab ku wajahan yihiin tuulada Basra.

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya oo taageero ka helaya saaxiibada Beesha Caalamka ayaa Gobalada dalka ka wada Howlgalo dhulka iyo cirka ah oo lagu ciribtirayo Maleeshiyo Jid iyo Jiho diidka ee Al shabaab, waxaana Maalmihii ugu dambeeyay lagu guuleystay in la Burburiyo Saldhigyo dhowr ah sidoo kale la khaarijiyo qaar badan oo ka mid ahaa Argagaxisada oo qorsheynayay inay Shacabka Nabad galyada iyo Nolosha u diidaan.

Previous Post

Tirada dhimashada dhul gariirkii Jasiirada Lombok, Indoniisiya oo sii kordheysa

Next Post

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Safiirka Dowladda Shiinaha ee Soomaaliya kula kulmay Xarunta Wasaaradda

Next Post
Wasiirka Warfaafinta XFS oo Safiirka Dowladda Shiinaha ee Soomaaliya kula kulmay Xarunta Wasaaradda

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Safiirka Dowladda Shiinaha ee Soomaaliya kula kulmay Xarunta Wasaaradda

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo hawlgal ka wada deegaannada gobolka Hiiraan

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(HIIRAAN): Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan oo iskaashanaya ayaa saakay Khawaarijta ku weeraray deegaanka...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO (BAYDHABO):Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Dhagax-Dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed oo...

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo hawlgal qorsheysan ku dhabar-jebiyay Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo hawlgal qorsheysan ku dhabar-jebiyay Khawaarijta

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(SHABEELLAHA DHEXE): Ciidanka Xoogga Dalka iyo geesiyaasha deegaanka Raaga Ceelle ee Macawiisleyda ayaa maanta howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka...

Ciidanka xoogga dalka oo hawlgal ka dhan ah khawaarij ka fuliyey deegaano ka tirsan Bakool

Ciidanka xoogga dalka oo hawlgal ka dhan ah khawaarij ka fuliyey deegaano ka tirsan Bakool

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(BAKOOL): Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan geesiyaasha ka tirsan Ururada 93-aad iyo 96-aad ee Guutada 9-aad, Qeybta 60-aad,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In