Tuesday, March 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Khartuum Kula Kulmay Jaaliyadda Iyo Ardayda Soomaaliyeed ee Dalka Suudaan.”Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Khayre oo Khartuum Kula Kulmay Jaaliyadda Iyo Ardayda Soomaaliyeed ee Dalka Suudaan.”Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha xukummadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre ayaa ardayda iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Suudaan la qaatay kulan diiradda lagu saaray xaaladda soo kabashada iyo sida looga wada qayb qaadan karo dadaallada loogu jiro horumarinta hay’adaha kala duwan ee dawladda, Kobcinta dhaqaalaha, sare u qaadidda amniga, cadaaladda, la dagaalanka Musuq-maasuqa iyo qabyaaladda.

Mas’uuliyiin u hadlay ardayda iyo Jaaliyadda Suudaan ayaa Ra’iisul Wasaare Khayre iyo guud ahaan hoggaanka dalka Soomaaliya ku ammaanay shaqada baaxadda leh ee ay u hayaan ummadda Soomaaliyeed, iyaga oo ku dhiirri geliyay in ay sii dardar geliyaan oo aysan ka niyad jebin dhibaata kasta oo soo wajahda inta ay gudanayaan mas’uuliyadda ka saaran dadka iyo dalka Soomaaliyeed, waxa ayna ballan qaadeen in ay la shaqeynayaan dawladda oo dawrka uga aadan ay qaadanayaan.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda  abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

March 31, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Gobolka Shabeellada Hoose oo maamul KMG ah loo magacaabay

March 30, 2026

Ra’iisul Wasaaraha xukummadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre ayaa jaaliyadda iyo ardayda Soomaaliyeed ee Suudaan ku boorriyay in ay u shaqeeyaan dalkooda iyo dadkooda si Soomaaliya loogu soo celiyo maqaamkii wanaagsanaa ee ay ku laheyd caalamka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa si gaar ah ugala dardaarmay in ay ka fogaadaan qabyaaladda iyo Musuqa oo ah kuwa dhibaatada ugu badan dalkeenna ku haya, dawladuna ay muhiimadda 1-aad siisay sidii ay u xakameyn lahayd.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo wafdiga uu hogaaminayay ayaa goob joog ka noqday heshiiskii lagu soo gebagebeynayay colaadii Suudaanka Koonfureed, waxa uuna kulamo la qaatay mas’uulyiin uu kamid yahay madaxweyne ku-xigeenka dalka Suudaan ahna madaxa golaha wasiirrada ee dalka Suudaan Bakri Xasan Saalax, isaga oo dhanka kale booqasho ku tegay jaamacadda caalamiga ah ee Afrika oo ay wax ka bartaan ardayda ugu badan ee Soomaaliyeed ee dalka Suudaan.

Previous Post

Horjooge sare oo ka tirsanaa Nabad diidka Alshabaab oo Dawladda Soomaaliya isku soo dhiibay

Next Post

Stan Kroenke oo la wareegay Milkiyada Kooxda Arsenal

Next Post
Stan Kroenke oo la wareegay Milkiyada Kooxda Arsenal

Stan Kroenke oo la wareegay Milkiyada Kooxda Arsenal

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda  abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

March 31, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qayb galay munaasabadda maamuuska iyo abaalmarinta barnaamijka “Daaci...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Gobolka Shabeellada Hoose oo maamul KMG ah loo magacaabay

March 30, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS oo si KMG ah maamul cusub ugu magcaawday Gobolka Shabeellada Hoose.

Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

March 30, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Muqdisho ku qaabishay ku xigeenka xafiis...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Danjireyaasha iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala dalkeenna

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Danjireyaasha iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala dalkeenna

March 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay danjireyaasha iyo wakiillada hay'adaha caalamiga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In