Monday, July 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS Oo Sheegay In Horumarinta Waxbarashadu Ay ka Qayb Qaadanayso Wiiqidda Xag-jirnimada “SAWIRRO”

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS Oo Sheegay In Horumarinta Waxbarashadu Ay ka Qayb Qaadanayso Wiiqidda Xag-jirnimada “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuummadda Federaalka Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ka qayb galay munaasabad uu xilka kula wareegayay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Waxbarashada Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in hadii la horumariyo hannaanka waxbarashada dalka ay yaraanayaan ficillada xag-jirnimada ku salaysan ee  kooxaha argagaxisadu ay ummadda ku dhibaateeyaan, taa bedelkeedana la gaarayo horumar ummadeed oo dhan waliba ah.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Khayre oo ka jawaabaya  muhiimadda ay leedahay Wasaaradda Waxbarashada oo ah laf-dhabarta nololasha iyo horumarinta dadka iyo dalka uu u magacaabay Wasaaradda Wasiir Xog-ogaal ah, rug-caddaa ah  wax badanna kusoo kordhin kara horumarinta Waxbarashada dalka.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeyay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya 

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeyay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya 

July 20, 2026
Ciidanka Danab oo hawlgal qorshaysan ku dilay 9 Xubnood oo Khawaarij ah Shabeellaha Hoose

Ciidanka Danab oo hawlgal qorshaysan ku dilay 9 Xubnood oo Khawaarij ah Shabeellaha Hoose

July 20, 2026

“Wasaaradda Waxbarashadu waa Laf-dhabartii dalka.  jawaha weerka, faqriga iyo amaan darrada waxaa sabab u ah jahliga. Maskaxda iyo fikirka hadii la dhiso, caruurta nagama gelayo fikirka xagjirnimada ah, waxaa yaraanaya dhibaata iyo ficillada xag-jirnimada ah oo argagaxisadu ay ku qaldeyso dhalinyaradeenna”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuummadda federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in horumarka guud ee dal waliba ay ku xirantahay sida uu waxbarashada ugu dadaalo, dawladda Soomaaliyana ay muhiimad wayn siinayso waxbarashada taa oo ka tarjumeysa in loo jehaystay dhanka horumarka iyo soo kabashada dalka si loola fal galo aduunayada cilmiga ku tartamaysa.

Dhanka Kale, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo ka qayb galay munaasabad kale oo xilka uu kula wareegayay wasiirka cusub ee wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badda, xildhibaan Cabdullaahi Bidhaan Warsame ayaa sheegay in Kaluunku uu kamid yahay Khayraadka dalkeenna, hadii la horumariyo kaluumeysiga dalkana ay abuurmayaan shaqooyin badan,  dhaqaalaha dalkuna uu kobcayo.

Previous Post

Washington: Waxaan rabnaa isbeddel ku yimaada habdhaqanka Dehraan

Next Post

Ra’iisul wasaare Kheyre oo Dalka dib ugu soo Laabtay

Next Post
Ra’iisul wasaare Kheyre oo Dalka dib ugu soo Laabtay

Ra'iisul wasaare Kheyre oo Dalka dib ugu soo Laabtay

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeyay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya 

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeyay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya 

July 20, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh iyo murugo la wadaagaysaa Jamhuuriyadda...

Ciidanka Danab oo hawlgal qorshaysan ku dilay 9 Xubnood oo Khawaarij ah Shabeellaha Hoose

Ciidanka Danab oo hawlgal qorshaysan ku dilay 9 Xubnood oo Khawaarij ah Shabeellaha Hoose

July 20, 2026
0

Ciidanka Sida Gaarka ah u Tababaran ee Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgal qorshaysan ka fuliyey deegaanka Hantiwadaag...

Munaasabad lagu taageerayo Musharraxa  Galmudug ee Ururka JSP oo lagu qabtay Dhuusamareeb 

Munaasabad lagu taageerayo Musharraxa  Galmudug ee Ururka JSP oo lagu qabtay Dhuusamareeb 

July 20, 2026
0

Munaasabad lagu taageerayay Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug ee Xisbiga JSP, Mudane Liibaan Axmed Xasan, ayaa lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb, caasimadda Dowlad...

Muqdisho oo si weyn loogu daawaday ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Koobka Adduunka

Muqdisho oo si weyn loogu daawaday ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Koobka Adduunka

July 20, 2026
0

Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa xalay la kulantay jawi ciyaareed oo gaar ah, iyadoo kumannaan shacab ah ay goobo kala...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In