Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS Oo Sheegay In Horumarinta Waxbarashadu Ay ka Qayb Qaadanayso Wiiqidda Xag-jirnimada “SAWIRRO”

caqiil by caqiil
August 8, 2018
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS Oo Sheegay In Horumarinta Waxbarashadu Ay ka Qayb Qaadanayso Wiiqidda Xag-jirnimada “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuummadda Federaalka Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ka qayb galay munaasabad uu xilka kula wareegayay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Waxbarashada Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in hadii la horumariyo hannaanka waxbarashada dalka ay yaraanayaan ficillada xag-jirnimada ku salaysan ee  kooxaha argagaxisadu ay ummadda ku dhibaateeyaan, taa bedelkeedana la gaarayo horumar ummadeed oo dhan waliba ah.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Khayre oo ka jawaabaya  muhiimadda ay leedahay Wasaaradda Waxbarashada oo ah laf-dhabarta nololasha iyo horumarinta dadka iyo dalka uu u magacaabay Wasaaradda Wasiir Xog-ogaal ah, rug-caddaa ah  wax badanna kusoo kordhin kara horumarinta Waxbarashada dalka.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

“Wasaaradda Waxbarashadu waa Laf-dhabartii dalka.  jawaha weerka, faqriga iyo amaan darrada waxaa sabab u ah jahliga. Maskaxda iyo fikirka hadii la dhiso, caruurta nagama gelayo fikirka xagjirnimada ah, waxaa yaraanaya dhibaata iyo ficillada xag-jirnimada ah oo argagaxisadu ay ku qaldeyso dhalinyaradeenna”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuummadda federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in horumarka guud ee dal waliba ay ku xirantahay sida uu waxbarashada ugu dadaalo, dawladda Soomaaliyana ay muhiimad wayn siinayso waxbarashada taa oo ka tarjumeysa in loo jehaystay dhanka horumarka iyo soo kabashada dalka si loola fal galo aduunayada cilmiga ku tartamaysa.

Dhanka Kale, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo ka qayb galay munaasabad kale oo xilka uu kula wareegayay wasiirka cusub ee wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badda, xildhibaan Cabdullaahi Bidhaan Warsame ayaa sheegay in Kaluunku uu kamid yahay Khayraadka dalkeenna, hadii la horumariyo kaluumeysiga dalkana ay abuurmayaan shaqooyin badan,  dhaqaalaha dalkuna uu kobcayo.

Previous Post

Washington: Waxaan rabnaa isbeddel ku yimaada habdhaqanka Dehraan

Next Post

Ra’iisul wasaare Kheyre oo Dalka dib ugu soo Laabtay

Next Post
Ra’iisul wasaare Kheyre oo Dalka dib ugu soo Laabtay

Ra'iisul wasaare Kheyre oo Dalka dib ugu soo Laabtay

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In