Raโiisul Wasaare Ku xigeenka Dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo ay wehliyeen Wasiiro iyo Saraakiil ayaa xalay Daah-furay In Dekedda Muqdisho ay habeenkii shaqayso, taasi oo la micno ah in habeen iyo Maalin ay dekadu shaqaynayso,si loo kordhiyo howlaha adeegyada ganacsiga kaladuwan.
โFarxad iyo guul bay inoo tahay in aan daah furno in Dekedda ay shaqeyso in habeen iyo maalin ay shaqeyso,anigoo ku hadlaya magaca Xukuumadda,raiiusl Wasaaraha,iyo Madaxweynaha JFS waxaan ku dhawaaqayaa in Dekedda Muqdisho ay diyaar u tahay in xiliyada habeenkii ah ay shaqeyso,Dekadda Muqdisho oo habeenkii shaqeysa waxay u dhigantahay horumar deg deg ah oo dhaqaalaha dalkeenu ku talaabsaday,taasina waxay noo sahleysaa in aan isku filnaanoโ. Ayuu yiri raiisul wasaare kuxigeenka Dalka.
Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in shaqada Dekedda xiliyada habeenkii ay kaalin ka qaadanayso horumarka dhaqaale ee Dalka.
โCaawa waxaa noo suuro gashay in aan daahfurno in Dakadda Muqdisho ay shaqeyso 24 saac, Ganacsataduna ay Badeecadohooda kala soo bixi karaan kana dhoofsan karaan Habeen iyo Maalinโ. Ayuu yiri Wasiir Beyle
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadah Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Marwo Maryan Aweys Jaamac ayaa dhankooda ka hadlay ahmiyadda arrin ay leedahay iyo dadaalkii lagu bixiyay,iyagoo guul ku tilmamaya,wasiir Maareeye ayaa bogaadiyay in fursado la siiyo ganacsatada Soomaaliyeed.