Friday, April 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Caalamka

Madaxweynaha Turkiga oo shir Jaraaid ku qabtey Ankara

admin by admin
8 years ago
in Caalamka, Wararka
0
Madaxweynaha Turkiga oo shir Jaraaid ku qabtey Ankara
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

dhaqdhaqaaqyo  lagu doonayay in lagu qaboojiyo hoos u dhaca dhaqaalaha ee Turkiga ayaa lagu soo waramayaa in lagu  guul daraystay iyada oo sicirka  suuqyada haabhaabayo.

sido  kale waxa cirka isku shareeray muranka ka dhaxeeya Maraykanka iyo Turkiga, iyada oo madaxweyne Erdogan uu Maraykanka ku eedeeyay in uu “Dhabarka naga toogtay” waa sida hadlka u yiri.

Related posts

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 24th April, 2026

April 24, 2026
Safiirka Soomaaliya ee dalka Nigeria oo si rasmi ah waraaqadaha safiirnimo looga aqbalay.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Nigeria oo si rasmi ah waraaqadaha safiirnimo looga aqbalay.

April 24, 2026

Maraykanka ayaa todobaadkii hore Turkiga kusoo rogay cunaqabatayn kadib markii dowladda Turkiga ay diiday in ay celiso baadari Maraykan ah oo lagu hayo dalka Turkiga.

Cunaqabataynta kadib, sicirka suuqyada ayaa aad u sabeeyay, islamarkaasna qalqal u sameeyay. Bangiga Dhexe ee Turkiga oo isku dayay in uu wax ka qabto arrimaha suuqa ayaa ku guul daraystay.

Bankiga Dhexe ee Turkiga ayaa maanta ku dhawaaqay qorshe lagu xasilinayo qalalaasaha dhaqaale ee soo food saaray Turkiga. Madaxweyne Erdogan ayaa isna magaalada Ankara ka sheegay in Turkiga la geliyay go’doon dhaqaale.

Erdogan oo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Ankara ayuu yiri “Dhinac waxaad ka muujinaysaan in aad tihiin garab noo haya iskaashi istaraatiiji ah, dhanka kalena xabbad ayaad kor noogu rideysaan”.

“Waxaan iskula jirnaa NATO, dhanka kale dhabarka ayaa toori naga galinaysaan” ayuu yiri Erdogan.

Arrinta baadariga ayaa ah mid ka mid ah arrimaha kala qeybinaya Mr Trump iyo Mr Erdogan

Madaxweynaha Turkiga ayaa qaba in sicir bararka ka dhacaya Turkiga ay ugu wacanyihiin shirqoolo uu sheegay in loo maleegayo dalkiisa, ee aysan ahayn xaalado dhaqaale xumo oo rasmi ah oo soo wajahay Turkiga.

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegtay in ay tallaabooyin sharciga waafaqsan ka qaadayso 346 ciwaan oo baraha bulshada ah oo lasoo bandhigay qoraalo looga hadlayo arrimaha sicir bararka.

Turkiga iyo Maraykanka waxa ay isku hayaan baadariga diinta masiixiga Andrew Brunson oo illaa 2016-kii ku xiran Turkiga, isaga oo ku eedeysan xiriir uu layeeshay kooxaha Kurdiga iyo Gulen ee uu hoggaamiyo waddaadka Fatxullaah Gulen oo ku nool Pennysylvania, Maraykanka.

Taageerada uu Maraykanka siiyo kooxaha Kurdiga ee la dagaalama Daacishta Suuriya ayaa ah arrin kale oo Turkiga uu ka qoomamay Maraykanka.

Arrinta ah isu dhowaanshaha Turkiga iyo Ruushka ayaa ahayd arrin uu Maraykanka jecleysan.

Labada dalka ee Turkiga iyo Maraykanka waxa ay ku wada jiraan gaashaanbuurta NATO, waxaana Turkiga ka furan saldhigga Incirlik ee xagga cirka oo NATO ay ka fuliso hawlgalada ka dhanka ah Daacish, waxaan jira culeesyo gudaha oo isa soo taraya oo Erdogan loogu baaqayo in uu xiro saldhiggaas.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa canshuuro dheeraad ah kusoo rogay birta Turkiga u dhoofiyo Maraykanka kadib markii Turkiga diiday wareejinta baadariga.

Lacagta Turkiga ayaa hoos u dhacday 20% qiimihii looga kala sarifan jiray doolarka. waxaa kale oo dhacday in sicir suuqyada ay sabeeyeen.

Previous Post

Ardayda Soomaaliyeed Ee Dalka Malaysia Oo Beeniyay Warar Looga Been Abuurtay Oo Lagu Dacaayadeynayo Shaqada Safaaradda

Next Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda DFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Next Post
Wasiirka Arrimaha Dibadda DFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda DFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 24th April, 2026

April 24, 2026
0

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 24th April, 2026 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka dib ugu...

Safiirka Soomaaliya ee dalka Nigeria oo si rasmi ah waraaqadaha safiirnimo looga aqbalay.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Nigeria oo si rasmi ah waraaqadaha safiirnimo looga aqbalay.

April 24, 2026
0

Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Nigeria, Mudane Mohamed Osman Mohamed, ayaa si rasmi ah waraaqaha aqoonsiga...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo tagay gobolka Bakool

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo tagay gobolka Bakool

April 24, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa booqasho ku tagay degmada Xudur ee Gobolka Bakool, Wafdiga ayaa waxaa...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah-furay Mashruuca xoojinta adkeysiga magaalooyinka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah-furay Mashruuca xoojinta adkeysiga magaalooyinka

April 23, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Mashruuca xoojinta adkeysiga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In