Thursday, October 9, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

In ka badan Soddon Qof oo ku dhaawacmay shil Diyaaradeed oo ka dhacay Kenya

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
August 14, 2018
in Wararka
0
In ka badan Soddon Qof oo ku dhaawacmay shil Diyaaradeed oo ka dhacay Kenya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

33 Qof ayaa ku dhaawacmay shil Diyaaradeed oo Talaadada Saakay ah ka dhacay Dhabbaha Gegida Diyaaradaha ee Joma Kenyatta International Airport.

Shilkan ayaa yimid markii uu mid ka mid ah Baabuurta ka shaqysa gudaha Garoonka uu si kedis ah ugu dhacay xagga dambe ee Diyaaradda oo xilligaasi isku diyaarineysay duullimaad.

Related posts

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey heshiisyo dhowr ah

October 9, 2025
Taliyaha CB Soomaaliyeed oo guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda

Taliyaha CB Soomaaliyeed oo guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda

October 9, 2025

Madaxda Madaarka ayaa warbaahinta u sheegay in 30 ka mid ah Dadkii uu dhaawaca soo gaaray ay imminka xaaladdoodu wanaagsan tahay, halka Saddexda kalana lagu dabiibayo Cuspitaalka.

Diyaaraddan oo ay lahayd shirkadda duullimaadyada ee Kenya Airways ayaa kusii jeedday Magaalada Bangkok ee Caasimadda Thailand, waxanay masuuliyiintu sheegeen in la beddelay jadwalkii duulimaad ee ku tagi lahayd Bankok.

Shaqaalaha iyo Rakaabka Diyaaradda ayaa Khad bilaash ah laga siiyay gudaha Madaarka JKIA, si ay ula xiriiraan qaraabada iyo saaxiibbadooda ka walaacsan xaaladda soo wajahday.

Wadihii Gaariga ku dhacay Diyaaradda ayaa Xabsiga loo taxaabay, waxaana soconaya baaritaanno la xiriira sababta dhalisay shilka.

Isha/ The Star

Previous Post

Wasiirka Cadaaladda XFS oo Heshiis lagu Hormarinayo Garsoorka Dalka la Saxiixday UNSOM iyo UNDP

Next Post

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Abwaannada ugu Baaqay Ka qayb qaadashada Qorshaha dib U Dhiska Dalka

Next Post
Ra’iisul Wasaare Khayre oo Abwaannada ugu Baaqay Ka qayb qaadashada Qorshaha dib U Dhiska Dalka

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Abwaannada ugu Baaqay Ka qayb qaadashada Qorshaha dib U Dhiska Dalka

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey heshiisyo dhowr ah

October 9, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa lagu ansixiyey saddex heshiis oo ku saabsan...

Taliyaha CB Soomaaliyeed oo guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda

Taliyaha CB Soomaaliyeed oo guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda

October 9, 2025
0

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda, kaasoo ay ka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Bogaadiyey Dib ula Wareegidda Maareynta Madaxa-bannaan ee Arrimaha Xuquuqda Aadanaha

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Bogaadiyey Dib ula Wareegidda Maareynta Madaxa-bannaan ee Arrimaha Xuquuqda Aadanaha

October 8, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey tallaabada ay Soomaaliya si buuxda dib ugula soo wareegtay hannaanka...

Guddoomiyaha SoDMA iyo Wasiirka Beeraha XFS oo ka wada hadlay dardargelinta Barnaamijka Kaydinta Biyaha ee Jowhar

Guddoomiyaha SoDMA iyo Wasiirka Beeraha XFS oo ka wada hadlay dardargelinta Barnaamijka Kaydinta Biyaha ee Jowhar

October 8, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle iyo Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In