Ciidanka Qalabka sidda ayaa howlgal balaaran kawada inta u dhaxeysa Degmooyinka Balcad iyo Afgooye kuwaas oo ka kala tirsan Gobolada Sh. Hoose iyo Sh. Dhexe.
Howlgalka ayaa waxaa uu ka danbeeyaa kadib markii Ciidanka ay heleen xog ku saabsan in Maleeshiyo iyo Horjoogayaal ka tirsan Al Shabaab oo doonayaan inay Wabiga Shabeelle kaga gudbaan Doomo kuwaas baxsan u ah dhanka Gobolka Hiiraan.
Kabtan Aadan Xasan Cismaan oo kamida Saraakiisha howlgalkan hogaamineysa oo lahadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay inay tageen Deegaano badan kamida Degmooyin Balcad iyo Afgooye oo ay horay u joogeen Maleeshiyaadka Al Shabaab.
“Waxaa dadka aan aragnay ee Shacabka ah ay noo sheegeen in Al Shabaab isaga carareen Deegaanada aan hadda howlgalada kawadno, waxaana qorshaheenu yahay in aan ugu tagno meelkasta oo Maleeshiyaadku ka joogaan Balcad iyo Afgooye” Sidaas waxaa yiri Kabtan Aadan Xasan Cismaan oo Kamid ah Ciidanka Xoogga Dalka.
Dhanka kale Abaan Duulaha Ciidanka horkacaya ayaa sheegay in Ciidanku gacanta ku soo dhigeen 10 kamida Al Shabaab kuwaas oo iyaga oo Hurda Ciidanka ay qabteen iyaga iyo Hubkoodii.
Ciidanka Qalabka sidda ayaa waxaa ay badiyeen Howlgalada lagula dagaalamayo Al Shabaab taas ayaana keentay inay isaga soo cararaan Gobalo badan oo Dalka ah iyaga oo baxsad ahna waxaa ay Ciidanku hadda ku ugaarsanayaan Degmooyinka Balcad iyo Afgooye.