Tuesday, June 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo AMISOM oo Laba jibbaaray howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo AMISOM oo Laba jibbaaray howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa Saacadahii lasoo dhaafay howl-gallo lagu baacsanaya argagixisada Al-shabaab ka sameeyay degaanno badan oo ka tirsan Gobolka Shabeellada hoose.

Taliska Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa sheegay in ujeeddada howl-galkan uu yahay cirib tirka haraadiga Al-Shabaab ee ku dhuumaalaysanaya qaybo ka mid ah Dalka iyo in ay soo celiyaan nabadda iyo sharciga.

Related posts

Kaarka NIRA oo laga dhigayo shuruud safarrada gudaha Dalka

Kaarka NIRA oo laga dhigayo shuruud safarrada gudaha Dalka

June 30, 2026
Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarunta cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha 

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarunta cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha 

June 30, 2026

Hoggaanka Taliska xoogga Dalka, ayaa sidoo kale sheegay inuu haatan aad u sarreeyo iskaashiga ay Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed la leeyihiin leeyihiin AMISOM iyo saaxiibbadooda kale, taasoo ku aaddan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Dhinaca kale, Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgallo ay ka sameeyeen inta u dhexeysan Sh/dhexe iyo Sh/hoose waxay ku soo qabteen 10 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab iyo Hubkooda, waxanay sidoo kale la wareegeen degaanno badan oo ay Gacanta ku hayeen nabad-diidka.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay muujinayay feejignaan dheeri ah, taas oo ay barbar socdaan weerarro lagu baacsanayo Malleeshiyada Kooxda Al-Shabaab, iyagoo isu diyaarinaya in ay dhawaan la wareegaan amniga guud ee Dalka.

Previous Post

Dhegeyso Barnaamijka Wadajir +sawirro

Next Post

Midowga Afrika oo bogaadiyay in ay Ciidankooda ka baxaan Stadium Muqdisho

Next Post
Midowga Afrika oo bogaadiyay in ay Ciidankooda ka baxaan Stadium Muqdisho

Midowga Afrika oo bogaadiyay in ay Ciidankooda ka baxaan Stadium Muqdisho

Kaarka NIRA oo laga dhigayo shuruud safarrada gudaha Dalka

Kaarka NIRA oo laga dhigayo shuruud safarrada gudaha Dalka

June 30, 2026
0

Hay’adda Aqoonsiga Qaranka (NIRA), oo kaashanaysa Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan wadatashi iyo wacyigelin...

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarunta cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha 

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarunta cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha 

June 30, 2026
0

Muqdisho, Juun 30, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarigga ka jaray xarunta cusub ee...

Wasiir Cali Xoosh “34 sano kadib dib ayaan gacanteena kusoo celinay Wasaaradda”. 

Wasiir Cali Xoosh “34 sano kadib dib ayaan gacanteena kusoo celinay Wasaaradda”. 

June 30, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Cali Xoosh, ayaa ka hadlay munaasabadda xarig-jarka xarunta dhexe ee Wasaaradda oo ku...

Taliyaha Hay’adda NISA oo Balanballe ka dhagax dhigay saldhig cusub oo Hay’adda ah

Taliyaha Hay’adda NISA oo Balanballe ka dhagax dhigay saldhig cusub oo Hay’adda ah

June 30, 2026
0

Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA, Mudane Mahad Maxamed Salaad, ayaa magaalada Balanballe ee gobolka Galgaduud ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In