Thursday, May 19, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo AMISOM oo Laba jibbaaray howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab

August 16, 2018
in Wararka
0
Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo AMISOM oo Laba jibbaaray howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa Saacadahii lasoo dhaafay howl-gallo lagu baacsanaya argagixisada Al-shabaab ka sameeyay degaanno badan oo ka tirsan Gobolka Shabeellada hoose.

Taliska Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa sheegay in ujeeddada howl-galkan uu yahay cirib tirka haraadiga Al-Shabaab ee ku dhuumaalaysanaya qaybo ka mid ah Dalka iyo in ay soo celiyaan nabadda iyo sharciga.

Related posts

R/W Rooble oo qaabilay Safiirka Masar ee Soomaaliya

R/W Rooble oo qaabilay Safiirka Masar ee Soomaaliya

May 18, 2022
Duqa Muqdisho iyo Xildhibaanno booqasho salaan ah ugu tegay Madaxweynaha Dalka

Duqa Muqdisho iyo Xildhibaanno booqasho salaan ah ugu tegay Madaxweynaha Dalka

May 18, 2022

Hoggaanka Taliska xoogga Dalka, ayaa sidoo kale sheegay inuu haatan aad u sarreeyo iskaashiga ay Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed la leeyihiin leeyihiin AMISOM iyo saaxiibbadooda kale, taasoo ku aaddan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Dhinaca kale, Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgallo ay ka sameeyeen inta u dhexeysan Sh/dhexe iyo Sh/hoose waxay ku soo qabteen 10 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab iyo Hubkooda, waxanay sidoo kale la wareegeen degaanno badan oo ay Gacanta ku hayeen nabad-diidka.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay muujinayay feejignaan dheeri ah, taas oo ay barbar socdaan weerarro lagu baacsanayo Malleeshiyada Kooxda Al-Shabaab, iyagoo isu diyaarinaya in ay dhawaan la wareegaan amniga guud ee Dalka.

Previous Post

Dhegeyso Barnaamijka Wadajir +sawirro

Next Post

Midowga Afrika oo bogaadiyay in ay Ciidankooda ka baxaan Stadium Muqdisho

Next Post
Midowga Afrika oo bogaadiyay in ay Ciidankooda ka baxaan Stadium Muqdisho

Midowga Afrika oo bogaadiyay in ay Ciidankooda ka baxaan Stadium Muqdisho

R/W Rooble oo qaabilay Safiirka Masar ee Soomaaliya

R/W Rooble oo qaabilay Safiirka Masar ee Soomaaliya

May 18, 2022
0

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Dowladda Masar ee Soomaaliya Mudane Maxamed...

Duqa Muqdisho iyo Xildhibaanno booqasho salaan ah ugu tegay Madaxweynaha Dalka

Duqa Muqdisho iyo Xildhibaanno booqasho salaan ah ugu tegay Madaxweynaha Dalka

May 18, 2022
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa booqday hoyga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Axmed Madoobe

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Axmed Madoobe

May 18, 2022
0

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam. Masuuliyiinta ayaa...

Madaxweynaha JFS oo la kulmay Safiiradda dalalka Uganda iyo Itoobiya ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS oo la kulmay Safiiradda dalalka Uganda iyo Itoobiya ee Soomaaliya

May 18, 2022
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay Safiirka dowladda Uganda ee Soomaaliya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In