Saturday, December 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir looga hadlayo iskaashiga ilaalinta Xuduudaha dalka oo ka furmay Muqdisho +Sawirro

caqiil by caqiil
7 years ago
in Wararka
0
Shir looga hadlayo iskaashiga ilaalinta Xuduudaha dalka oo ka furmay Muqdisho +Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muddo laba maalmood ah oo uu soconayo shir wadatashi ah oo ay soo qaban qaabisay hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee  Dowladda Federaalka ah ayaa ka qeybgalayaasha oo ka kala socda hay’adaha Amniga, Garsoorka iyo wasaaradda Shaqada, caafimaadka iyo Arrimaha Dibadda waxa ay diirada ku saarayaan xoojinta wada shaqeynta Hay’adaha ka howlagala Xuduudaha dalka; sida xuduuda barriga,Garoomada diyaaradaha iyo Dakadaha.

 

Related posts

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Doorashooyinka

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Doorashooyinka

December 13, 2025
Maareeyaha Guud Ee Dekadda Muqdisho Oo Kulan Muhiim Ah Dubai Kula Qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dabai Ports Group

Maareeyaha Guud Ee Dekadda Muqdisho Oo Kulan Muhiim Ah Dubai Kula Qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dabai Ports Group

December 13, 2025

G/sare Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) Agaasimaha hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Soomaaliya ayaa sheegay in hay’adaha shirkan isugu yimid uu kor u qaadayo sharafka iyo qaranimada Soomaaliya,wuxuuna xusay in ka hay’ad ahaan ay ka shaqeynayaan sare u qaadista wada shaqeynta dhinacyada ku lug leh arrimaha Xuduudaha.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya sareeyo gaas, Bashiir Cabdi Maxamed, ayaa bogaadiyay dadaalada ay hay’adda Socdaalka isugu xilqaameyso ilaalinta xuduudaha dalka.

“Booliska marwaliba waxa ay wada shaqeyn dhow la leeyihiin Immigration-ka hadii ay tahay dhinaca baarista iyo qabashada dadka Dambiyada lagu heysto, marka waxaanu sii balaarin doonaa xiriirka aan la leenahay hay’adda Socdaalka, waxaana aaminsanahay in Booliska iyo hay’adda Socdaalku aysan kala maarmin,” sidaa ayuu hadalkiisa sii raaciyay Taliyaha Booliska Soomaaliya.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir, waxa uu balan qaaday in xafiiska xeer ilaalintu si buuxda u garab istaagayo Hay’adaha ka howlagala xuduudaha dalka si Dowladda Soomaaliya ay awood ugu yeelato ka warqabka dhaq dhaqaaqa xuduudaha barriga iyo dadka ka soo galaya garoomada iyo Dekadaha.

Wasiiru Dowlaha Amniga Gudaha Xukuumada Soomaaliya, mudane Maxamuud Maxamed Boonow, oo isagu shirkan furay ayaa xusay in isku fulnaasho dhinaca ilaalinta xuduudaha ah hadda ay muuqaneyso, loona baahan yahay in la sii xoojiyo iskaashiga arrintaasi ku aadan.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Soomaaliya ayaa mudooyinkii dambe ku howllaneyd dadaalada lagu xoojinayo ilaalinta Xuduudaha dalka, iyadoo hay’addu xafiisyo ka furatay deegaanada ku yaala xuduudaha dalka si looga warqabo dadka iyo badeecadaha soo galaya.

Previous Post

US Senator John McCain dies aged 81

Next Post

“Daawo+Sawirro” Tartanka Ciyaaraha Galmudug oo Maanta ka furmay Gaalkacyo

Next Post
“Daawo+Sawirro” Tartanka Ciyaaraha Galmudug oo Maanta ka furmay Gaalkacyo

"Daawo+Sawirro" Tartanka Ciyaaraha Galmudug oo Maanta ka furmay Gaalkacyo

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Doorashooyinka

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Doorashooyinka

December 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta qaatay Kaarka Cod-bixinta ee Guddiga Madaxa Bannaan...

Maareeyaha Guud Ee Dekadda Muqdisho Oo Kulan Muhiim Ah Dubai Kula Qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dabai Ports Group

Maareeyaha Guud Ee Dekadda Muqdisho Oo Kulan Muhiim Ah Dubai Kula Qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dabai Ports Group

December 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) iyo wafdi uu hoggaaminaayay ayaa magaalada Abu Dubai kulama...

Ciidamada Daraawiishta Jubbaland Oo Hawlgal Ka Dhan Ah Khawaarijta Ka Sameeyay Jubbadda Hoose

Ciidamada Daraawiishta Jubbaland Oo Hawlgal Ka Dhan Ah Khawaarijta Ka Sameeyay Jubbadda Hoose

December 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO(JUBBADA HOOSE): Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa howlgal amni ka fuliyay magaalada Qooqaani ee gobolka Jubbada Hoose, kaas oo lagu...

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka oo kulan la qaatay qaar kamid ah bulshada caasimadda

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka oo kulan la qaatay qaar kamid ah bulshada caasimadda

December 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa xalay la kulmay qaad kamid ah bulshada magaalada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In