Friday, June 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka iyo Shacabka Gobolka Banaadir oo olale nadaafadeed ka sameeyey Muqdisho Stadium.”Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Maamulka iyo Shacabka Gobolka Banaadir oo olale nadaafadeed ka sameeyey Muqdisho Stadium.”Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Masuuliyiinta Maamulka iyo Shacabka ku dhaqan Gobolka Banaadir ayaa isu soo baxa ka sameeyey garoonka Muqdisho Stadium, kaddib markii ay banneeyeen Ciidamaddii AMISOM ee halkaas horey u deganaa.

Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada Gobolka Banaadir Marwo Basmo Caamir Axmed ayaa uga mahad celisay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed sida ay uga go’an tahay in dib loo soo nooleeyo garoonka ciyaaraha ee Muqdisho Stadium oo safka hore kaga jiray garoommada Qaaradda Afrika.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ubax Dhigay Taalada Dhagax-tuur

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ubax Dhigay Taalada Dhagax-tuur

June 26, 2026
Madaxweynaha Burkina Faso, oo warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Safiirka Soomaaliya

Madaxweynaha Burkina Faso, oo warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Safiirka Soomaaliya

June 26, 2026

“Muqdisho Stadium waxa uu noqday sannadkii 1980kii, Garoonka ugu caalamisan Qaaradda Afrika, maantana waan awoodnaa in aan halkaas mar kale gaarno, kaliya waxaan u baahannahay in qof kasta oo Soomaaliyeed uu kaalintiisa ka qaato qorshaha dib u dhiskiisa.” Ayey tire Gudoomiye Basmo.

Sidoo kale, Guddoomiye Kuxigeenku waxa ay tilmaamtay dadaallada qorsheysan ee Maamulka Gobolka Banaadir uu ku bixinayo dib u soo celinta iyo dib u dhiska goobaha bulshada, si loo xoojiyo isdhexgalka iyo deris wanaagga.

Inta uu socday isu soobaxaani, shacabkii iyo masuuliyiintii ka soo qeyb galay ayaa waxa ay sameeyeen olale nadaafadeed oo ay ku soo celinayaan bilicda garoonka, iyagoona muujiyey rajada ay qabaan ee ku aaddan in dib loo furo Garoonka Caalamiga ah ee Muqdisho Stadium iyo soo celinta kaalinta uu ku lahaa ciyaaraha heer Gobol iyo heer Qaaradeedba.

Isu soo baxaan loogu dabaal dageyey la soo wareegidda Garoonka Qaran ee Ciyaaraha (Muqdisho Stadium) ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Taliyeyaasha Ciidanka Xoogga Dalka, Asluubta iyo Booliska, Guddiga Difaaca Baarlaamanka Federaalka Soomaaliya, Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed iyo qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Shir-guddoomiyay Kulanka Dardar-gelinta Qorshaha Daabacaadda Shilin Soomaaliga Cusub”Sawirro”

Next Post

“Daawo+Sawirro” Degmooyinka Gaalkacyo iyo Balanbale oo Galabta mar kale isku arkay Ciyaaraha Galmudug

Next Post
“Daawo+Sawirro” Degmooyinka Gaalkacyo iyo Balanbale oo Galabta mar kale isku arkay Ciyaaraha Galmudug

"Daawo+Sawirro" Degmooyinka Gaalkacyo iyo Balanbale oo Galabta mar kale isku arkay Ciyaaraha Galmudug

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ubax Dhigay Taalada Dhagax-tuur

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ubax Dhigay Taalada Dhagax-tuur

June 26, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya maamuuska halyeeyadii naf u huray soo dhicinta gobanimada dalkeenna...

Madaxweynaha Burkina Faso, oo warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Safiirka Soomaaliya

Madaxweynaha Burkina Faso, oo warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Safiirka Soomaaliya

June 26, 2026
0

Danjiraha JFS ee dalka South Sudan, isla markaana ah Danjiraha Ma-degenaha ah ee Soomaaliya ee Burkina Faso, Danjire Jaamac Xasan...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay xuska 66-sano guurada xornimadii Gobolada Waqooyi ee Dalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay xuska 66-sano guurada xornimadii Gobolada Waqooyi ee Dalka

June 26, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa ka qayb galay munaasabad ballaaran oo lagu maamuusay 66 sano...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qeybgalay xuska 66-sano guurada xornimadii Gobolada Waqooyi ee Dalka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qeybgalay xuska 66-sano guurada xornimadii Gobolada Waqooyi ee Dalka

June 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa isaga oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb, hambalyo iyo bogaadin...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In