Magaaladda Muqdisho ayaa lagu qabtay Munaasabad lagu sagootinayay Arday Soomaaliyeed oo Deeq Waxbarasho oo lacag la’aan ah ka helay Dalalka Sacuudiga iyo Sudaan.
munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya, Culimadda Soomaaliyeed iyo qaar ka mid ah Waalidiinta Ardaydan deeqda waxbarasho helay.
Ardaydan ayaa soo barandoona Culuumta Islaamka kuwaasi oo ay ka heleen Jaamamacaddo ku yaala Dalalka Sacuudiga iyo Suudaan.
Wasiiru Dowladaha Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Jaabiri oo ka hadlay munaasabadda sagootinta ardayda ayaa kula dardaarmay inay ka faaiideeystaan fursadda waxbarasho ee ay heleen islamarkaana ay soo dhameystaan waxbarashada si dadkooda iyo dalkooda ay ugu faaiideeyaan.
wasaaradda waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya aya beryahii danbe ku dadaleysay sidii ay arday soomaaliyeed u heli lahayeen deeqo waxbarasho oo kala duwan.