In ka badan 100 qof oo Muhaajiriin oo ay ku jiraan 20 caruur ah, ayaa geeriyooday badda liibiya markii ay doontii ay ku burburtay xayawaanka Badaha xeebaha Liibiya, sida ay Warbixin ku sheegtay Hay’adda Dhakhaatiirta aan Xudduudda Lahayn oo xaruntooda ku taala Faransiiska ee MSF).
Muhaajiriintaasi geeriyooday ayaa Labo mataano ah oo da’doodu ahayd 17 bilood, iyo sidoo kale waalidkood ayaa ka mid ahaa dadkii geeriyooday, MSF ayaa sidaas ku sheegtay bayaan ay soo saartay Isniintii, iyada oo laga soo xigtay qof ka badbaaday.
Labo doomood ayay la socdaan dadkaasi muhaajiruiinta waxay doontaasi ku soo dagtay xeebaha Liibiya horraantii bishan 1keedii, inta badan dadkaasi aya ka kala yimid dalalka Afrika sida Suudaan, Mali, Nigeria, Cameroon, Ghana, Liibiya, Algeria iyo Masar..
Sida ay sheegtay hay’adda MSF muhaajiriintani ayaa ku sii jeeday dalalka ku yaalla koonfurta Yurub.
Mid ka mid ah dadkii ka badbaaday musiibadan ayaa MSF u sheegay in mid ka mid ah doomahani uu matoorka cillad kaga yimid islamarkana mida kalana ay quustay.
Ciidamada ilaalada xeebaha Liibiya ayaa qaar badan oo ka mid ah dadkii badbaaday keenay xeebta dekadda magaalada Khoms.
Muddooyiinkii ugu dambeeyay ayaa waxaa hoos u dhacday tirada muhaajiriinta dhanka Yurub uga tallaaba badda mediterranean-ka.
Dalka taliyaaniga oo ay inta badan ka dagi jireen muhaajiriintani ayaa dowladda dalkaasi waxa ay muddooyiinkii dambee adkeysay aqbalaada dadka soo galootiga ah.
Dowladaha Malta iyo Taliyaaniga ayaa horey iyagu u diiday in dalalkooda ay ku soo xirtaan doomo sida muhaajiriin.
Dowladda Taliyaniga ayaa ugu baaqaysa dalalka kale ee Yurub in ay la qaybsadaan culayska dadka soo galootiga ah.