Tuesday, December 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir looga hadlayay tayo dhowrka kalluunka Soomaaliya laga dhoofiyo oo Muqdisho ka dhacay+sawirro

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Shir looga hadlayay tayo dhowrka kalluunka Soomaaliya laga dhoofiyo oo Muqdisho ka dhacay+sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirkan oo looga hadlayay tayada qeyraadka badda sida Kalluunka,loona iibgeeyo caalamka ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho,kaasi oo ay ka qeybgaleen masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya,shirkadah kalluunka ee dalka iyo madaxda shirkadda SGS oo ah shirkadda caalamiga ah ee bixisa shahaadooyinka sahlaya in kaluunka o tayaysan loogu iibgeyn karto caalamka intiisa kale iyo madaxda barnaamijka Gee loo ah isku xirka arrimahani.

Abdi Cali Gabeyre oo ah guddoomiyaha rugta ganacsiga Soomaaliyeed oo kahadlay kulankaasi oo la isku dhafasaday afkaar ku aadan tayada kaluunka Soomaaliya ayaa faah faahiyay ahmiyadda ay arrintaasi leedahay.

Related posts

Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka oo Kulan Latashi la yeeshay Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS”

Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka oo Kulan Latashi la yeeshay Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS”

December 16, 2025
Wasiirka Caafimaadka oo Furay Ololaha Tallaalka Cudurka Gowracatada

Wasiirka Caafimaadka oo Furay Ololaha Tallaalka Cudurka Gowracatada

December 16, 2025

“Waan u mahadcelinayna dadkii ka soo shaqeeyey qorshahan oo ah mid aad u muhiimsan,waxayna naga caawinayaan Geel iyo SGS dhinacyada Beeraha,xoolaha Khyaraadka badda,hadda waxyaabah ugu sahlan Soomaaliya waa ka ganacsiga Kalluunka,marka waa muhiim tayo dhowrka kaluunka si loogu iibgeeyo wadamada caalamka maadaama aqoonsi ahaan aad baahi loogu qabay”. Ayuu yiri Gabeyre.

Alberto stockel oo ah mas’uul sare oo ka socday shirkadda Caalamiga SGS oo bixisa aqoonsiga tayo dhowrka kaluunka ayaa dhankiisa ka hadlay hadafka ay ka leeyihiin shirkan,waxaa uu sheegay in ay diyaar u yihiin in Soomaaliya ay ka caawiyaan tayo dhowrka khyaraadka badda gaar ahaan kalluunka ayna qaabilsan yihiin tayo dhowrka,waxaana uu xusay in ay ka howlgalaan in kabadan 100 dal oo caalamka ka mid ah.

Wasiiru dowlaha Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda Xukuumadda Soomaaliya C/llaahi Abshirow oo furay shirkaasi ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka shaqeynayso sidii wax soo saarka dalka loo horumarin lahaa.

Mudane C/llaahi Abshirow ayaa sidoo kale ku tilmaamay barnaamijka lagu xaqiijinayo tayo dhowrka kalluunka Soomaaliya,taasi oo sahlaysa in si fudud kalluunka Soomaaliya loogu iib geeyo caalamka,ayna qeyb ka tahay horumarka dhaqaale ee dalka.

Previous Post

Horjoogeyaal ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay duqeyn ka dhacday Saakow

Next Post

Dhegeyso Barnaamijka Wadajir + sawirro

Next Post
Dhegeyso Barnaamijka Wadajir + sawirro

Dhegeyso Barnaamijka Wadajir + sawirro

Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka oo Kulan Latashi la yeeshay Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS”

Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka oo Kulan Latashi la yeeshay Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS”

December 16, 2025
0

Guddiga Madaxa banaan ee Dib- u- eegista Dastuurka ayaa Kulan Latashi hordhac ah oo ku saabsan Cutubka Maaliyadda oo la...

Wasiirka Caafimaadka oo Furay Ololaha Tallaalka Cudurka Gowracatada

Wasiirka Caafimaadka oo Furay Ololaha Tallaalka Cudurka Gowracatada

December 16, 2025
0

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan iyo gudoomiye ku xigeenka arimaha bulshada maamulka...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo kormeer shaqo ku tegay degaanno dhaca jiinka Webiga Shabeelle

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo kormeer shaqo ku tegay degaanno dhaca jiinka Webiga Shabeelle

December 16, 2025
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Gen. Khaalid), ayaa kormeer shaqo ku tegay deegaanno...

Wasiir Ku-xigeenka Ganacsiga oo ka qaybgalay Madasha Heshiiska Xorta ah ee Qaaradda Afrika

Wasiir Ku-xigeenka Ganacsiga oo ka qaybgalay Madasha Heshiiska Xorta ah ee Qaaradda Afrika

December 16, 2025
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Axmed Cabdullahi (Abukaate), ayaa ka qaybgalay shirkii labaad...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In