Maamulka iyo Shacabka Deegaanka Wasil ee Gobolka Mudug ayaa qeyladhaan xooggan ka muujiyay Xaalado Bini aadanimo oo ka taagan Deegaankaasi.
Deegaanka Wasil ayaa ka mid ah deegaanada dhaca Koonfurta Gobolka Mudug waxaana Maamulka Galmudug u aqoonsan yahay Degmo Wasil ayaa 200 Km koonfur Bari kaga began Magaalada Gaalkacyo ee Xaruunta Gobolka waxaa uuna ka mid yahay deegaanada hoos yimaada Magaalo xeebeedka Hobyo.
Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed gaar ahaan Xafiiska Hobyo ayaa dhawaan Socdaal xogwareysi ku tagay Deegaanka Wasil taasoo Maalmihii iyo Bilihii dambe ay ka taagneed shacabashooyin bulshadu muujinaayeen oo dhanka Cafimaadka,Biyaha iyo Waxbarashada.
Bulshada Deegaanka Wasil ee Gobolka Mudug ayaa sheegay in ay qabaan ayna la daala dhacayaan daruufo dhanka arrimaha bulshada ah taasoo ay baahi weyn u qabaan bulshada Deegaanka waxayna ka dalbadeen Maamulka Galmudug, Hay’adaha Samafalka iyo Dowladda dhexe.
Inta badan Deegaanada Gobolka Mudug ayaa waxaa ka jira xaalado Caafimaad daro taasoo ay bulshadu ka walaacsan yihiin waxaana ugu badan Caafimaadka iyo waxbarashada inkastoo ay jiraan dadaalo lagu hirgaliyay Xaruumo Caafimaad oo yar yar.