Monday, January 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay Amniga Qaranka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay Amniga Qaranka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa maanta shir guddoomiyeyay kulan looga hadlayay arrimaha Amniga Qaranka oo lagu qabtay Muqdisho.

Shirkan oo labaddii biloodba mar la qabto ayaa waxaa diiradda lagu saaraa qodobo ay ka mid yihiin falalka ku saleysan xagjirnimada iyo la dagaallanka kooxaha argagaxisadda ah.

Related posts

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026

Kulanka waxaa kaloo ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka socotay Maamul Gobolleedyada ee arrimahan quseyso,Ururada Bulshada rayidka, deeq bixyaasha Caalamka, Midowga Yurub iyo Dalalka Soomaaliya sidda gaar ah u taageera, waxaana ay dhinacyadu ka doodeen sida qorshaha Amniga Qaranka si waagsan loogu hirgelin lahaa.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa tilmaamay in shirkan uu muhiimad gaar ah u leeyahay horumarinta Amniga Qaranka.

“Waxaan saakay shir isugu yimid Dowladda Federaalka, Mas’uuliyiin ka socday Wasaaradaha Maamul Gobolleedyada ay quseyso arrimahan iyo  Wakiilo ka socday beesha caalamka, shirkaan waxaa lagaga hadlay Qorshaha Amniga Qaranka iyo xoojinta qeyb ka mid ah qeybaha uu ka kooban yahay Qorashaha Amniga Qaranka oo ah la dagaallanka fikirka Xagjirnimada iyo sidii loo wacyigelin lahaa bulshada Soomaaliyeed,” ayuu yiri Mahdi Maxamed Guuleed.

Mashruuca Qorshahan lagu fulinayo ayaa waxaa kala saxiixday Dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, waxaana dhanka dhaqaalaha ka taageereyso Dowlada Sweden.

 

Previous Post

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo lagu laayey degmada Qoryooleey

Next Post

Guddigii Aqalka sare u diray Galmudug oo maanta wareejiyay Xogtii ay soo uruuriyeen

Next Post
Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada oo la kulmay Xildhibaanada Aqalka sare “Sawirro”

Guddigii Aqalka sare u diray Galmudug oo maanta wareejiyay Xogtii ay soo uruuriyeen

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan lagu soo bandhigayay Natiijada Qiimeynta iyo Hubinta Hufnaanta Qabashada, Xisaabinta iyo...

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026
0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Belgium ayaa maanta qabtay muddaharaad ay kaga soo horjeedeen faragalinta qaawan Isra'iil ee ka dhanka ah...

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Tunisia

January 11, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa galabnimadii Sabtida kulan kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In