Quruxda iyo muuqaalada Badeena Soomaaliya ayaa ah mid kusoo jiidanaaya meel kastoo aad ka aragto xeebaha Dalka maadaama ay tahay badda kaliya ee ugu qurxoon Badaha Aduunka.
Xeebaha Dalka sida Liido,Jazeera,Warshiiq,Marka,Cadale,Boosaaso,Jariiban iyo Hobyo ayaa ah kuwo muuqaal sare leh waxaana jira malaayiin qof oo Soomaaliya ayaana u Dalxiis taga Maalmaha qaar.
Xeebta Magaalo xeebeedka qadiimigaa ee Hobyo ayaa iminka noqotay meel loo Dalxiis tago waxaana maalin kasta taga wafuud iyo Madax kala duwan dadka qaarkood ayaa safaro dhulkaa kaga yimaada Magaalooyinka Dhuusamareeb,Cadaado,Cabudwaaq iyo Gaalkacyo oo dhamaan ka mida Deegaanada Dowlad Goboleedka Galmudug ku abtirsada si ay ugu damaashaadaan Xeebta Degmada Hobyo oo ah dhul Nabadda ah.
Magaalada Xeebta leh ee Hobyo ayaa booqashadii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo waxay Degmadu noqotay mid soo jiidata indhaha Jaaliyadaha,Ganacsatada iyo Daneeyaasha Arrimaha Soomaaliya.
Degmada Hobyo ayaa waxaa iminka ka socda mashaariic kala duwan oo ay ka hirgalinayaan Ganacsato si ay qeyb oga qaataan hanaanka iyo bilicda Degmada Hobyo waxaana ka mid ah mashaariicaha ka cosda Magaalo xeebeedka Hobyo ee Gobalka Mudug” Warshadda Keydka Kaluunka Mudug taasoo markii ugu horeesay Ganacsatada Galmudug ay go,aan sadeen inay maalgashi ku sameeyaan si ay kaga faa,idaystaan kaluumaysatada Xeebaha Galmudug waxaa sidoo kale ka mid ah horumarada ka socda Hobyo Xaruumo waxbarasho ee laga barto xirfadaha Gacanta iyo Ganacsi kale.
Dhul badeedka Soomaaliya ayaa gaaraya 3,333 km2 kaasoo ay dhex ceegaagto qeyraad aan wali laga faa,idaysan waana Badda ugu qurxoon Aduunka uguna qeyraadka badan in kastoo bulshada Soomaaliyeed oga faa,idaysan qaabkii ugu haboonaa.
Sawir qaade Wariye Baashi Ali Haashi Wakiilka Hobyo