Wednesday, February 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Qorsheynta XFS oo ku guuleystay Doorashada Kursi ka banaanaa Golaha Shacabka oo ka dhacday Garoowe

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Qorsheynta XFS oo ku guuleystay Doorashada Kursi ka banaanaa Golaha Shacabka oo ka dhacday Garoowe
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Madaxweynaha JFS oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha Ramadaan

Madaxweynaha JFS oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha Ramadaan

February 17, 2026
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha Ramadan

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha Ramadan

February 17, 2026

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) ayaa ku dhawaaqday in Mudane Jamaal Maxamed Xasan oo ah wasiirka Qorsheynta Soomaaliya uu ku guuleystay Doorashada Kursi ka banaanaa Golaha Shacabka, taasi oo maanta ka dhacday magaalada Garoowe.

Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa dorashada kula tartamay Mudane Maxamuud Cabdullaahi, waxaana ugu dambeyn Wasiir Jamaal uu helay codad gaaraya 49-cod, iyadoo musharax kale Maxamuud Cabdullaahi uusan helin wax cod ah marka laga tago laba cod oo ciladoobay, sida ay sheegtay Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yarey) oo ah guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka.

Kursiga ayaa waxaa dhowaan iska casiley Dhahar Cali Faarax, waxaana ay noqotay iney ku tartamaan Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan iyo Mudane Maxamuud Cabdullaahi.

Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya oo doorashadaasi ku guuleystay ayaa ugu horeyn u mahad celiyey guddiga Doorashada iyo qeybihii kale ee Doorashada qeybta ka ahaa, waxaana uu sheegay in waajibaadkaasi uu si wanaagsan uga soo bixi doono.

Madashada ay doorashada ka dhacday waxaa goob joog ahaa masuuliyiin katirsan Puntland oo uu kamid ahaa Madaxweyne Kuxigeenka Dowlad-goboleedka Puntland C/raxmaan Xaaji Cumar (Camey) madaxda Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Ergooyinka wax dooranayey iyo marti sharaf kale.

Previous Post

Yuusuf Dabadgeed: Hiiraan dhowaan howlgalo ayaa ka bilaaban doona

Next Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Faransiiska

Next Post
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Faransiiska

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Faransiiska

Madaxweynaha JFS oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha Ramadaan

Madaxweynaha JFS oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha Ramadaan

February 17, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan Ummadda Islaamka bilashada bisha barakeysan...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha Ramadan

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha Ramadan

February 17, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay curashada bisha Barakaysan ee Ramadaan, ayaa ugu...

Wasaaradda Shaqada XFS oo Muqdisho ku qabatay shirka Isku-duwidda Ilaalinta Bulshada

Wasaaradda Shaqada XFS oo Muqdisho ku qabatay shirka Isku-duwidda Ilaalinta Bulshada

February 17, 2026
0

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabatay Shirka Isku-duwidda Ilaalinta Bulshada (Social Protection...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan qado ah ku maamuusay xubnaha Golaha Mustaqbalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan qado ah ku maamuusay xubnaha Golaha Mustaqbalka

February 17, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan qado ah maanta ku maamuusay xubnaha Madasha Mustaqbalka ee ajiibay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In