Tuesday, August 26, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Qorsheynta XFS oo ku guuleystay Doorashada Kursi ka banaanaa Golaha Shacabka oo ka dhacday Garoowe

admin by admin
October 7, 2018
in Wararka
0
Wasiirka Qorsheynta XFS oo ku guuleystay Doorashada Kursi ka banaanaa Golaha Shacabka oo ka dhacday Garoowe
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Waddooyinka Muqdisho oo si casri ah loo dhisayo

Waddooyinka Muqdisho oo si casri ah loo dhisayo

August 26, 2025
Soomaaliya iyo Pakistaan oo ka wada hadlay Xoojinta Xiriirka labada dal

Soomaaliya iyo Pakistaan oo ka wada hadlay Xoojinta Xiriirka labada dal

August 26, 2025

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) ayaa ku dhawaaqday in Mudane Jamaal Maxamed Xasan oo ah wasiirka Qorsheynta Soomaaliya uu ku guuleystay Doorashada Kursi ka banaanaa Golaha Shacabka, taasi oo maanta ka dhacday magaalada Garoowe.

Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa dorashada kula tartamay Mudane Maxamuud Cabdullaahi, waxaana ugu dambeyn Wasiir Jamaal uu helay codad gaaraya 49-cod, iyadoo musharax kale Maxamuud Cabdullaahi uusan helin wax cod ah marka laga tago laba cod oo ciladoobay, sida ay sheegtay Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yarey) oo ah guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka.

Kursiga ayaa waxaa dhowaan iska casiley Dhahar Cali Faarax, waxaana ay noqotay iney ku tartamaan Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan iyo Mudane Maxamuud Cabdullaahi.

Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya oo doorashadaasi ku guuleystay ayaa ugu horeyn u mahad celiyey guddiga Doorashada iyo qeybihii kale ee Doorashada qeybta ka ahaa, waxaana uu sheegay in waajibaadkaasi uu si wanaagsan uga soo bixi doono.

Madashada ay doorashada ka dhacday waxaa goob joog ahaa masuuliyiin katirsan Puntland oo uu kamid ahaa Madaxweyne Kuxigeenka Dowlad-goboleedka Puntland C/raxmaan Xaaji Cumar (Camey) madaxda Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Ergooyinka wax dooranayey iyo marti sharaf kale.

Previous Post

Yuusuf Dabadgeed: Hiiraan dhowaan howlgalo ayaa ka bilaaban doona

Next Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Faransiiska

Next Post
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Faransiiska

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Faransiiska

Waddooyinka Muqdisho oo si casri ah loo dhisayo

Waddooyinka Muqdisho oo si casri ah loo dhisayo

August 26, 2025
0

Guddoomiye Ku-xigeenka Hawlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Cabdimajiid Daahir Aadan, ayaa maanta kormeeray waddada Buundooyinka oo isku xirta...

Soomaaliya iyo Pakistaan oo ka wada hadlay Xoojinta Xiriirka labada dal

Soomaaliya iyo Pakistaan oo ka wada hadlay Xoojinta Xiriirka labada dal

August 26, 2025
0

Intii uu socday Kalfadhiga 21-aad ee Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, Mudane...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray dalka Shiinaha

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray dalka Shiinaha

August 25, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa gaaray dalka Shiinaha, halkaas oo uu uga qayb gali...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle

August 25, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xarunta dhexe ee hay’adda kulan kula qaatay Masuuliyiin...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In