Sunday, October 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiiro iyo xildhibaano ku baaqay joojinta dagaalka Sool +Sawirro

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Wasiiro iyo xildhibaano ku baaqay joojinta dagaalka Sool +Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankan oo isugu jiray tacsi iyo baaq nabadeed oo ku wajahan beelo walaalo ah oo ku dagaalamaya deegaanka Dhumay ee  gobolka Sool, ayaa waxaa ka soo qeyb galay wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan golaha shacabka kuwaas oo ka damqaday colaada xilligan taagan oo sababtay dhimasho iyo dhaawac.

Xildhibaan Axmed Maxamed Axmed iyo Xildhibaan Canab Xasan Cilmi oo ka tirsan golaha shacabka ayaa dadka dagaalamaya ugu baaqay ineey dagaalka joojiyaan si looga baaqsado dhiig dambe oo daata.

Related posts

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda Cabdulaahi Bidhaan Warsame ayaa sheegay inaan loo baahneyn in qof kale uu ku dhinto dagaalkaas oo dhexmaraya dad walaalo ah oo aanan aqoon waxa ay isku dilayaan.

Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa culimada iyo dadka waxgaradka ah ka dalbaday ineey wax walba u sameeyaan sidii dagaalka loo joojin lahaa.

Baaqan nabadeed ayaa daba socda baaq dhawaan ka soo baxay madaxda sare ee dalka kaas oo dadka dagaalamaya looga dalbaday ineey si shuruud la’aana u joojiyaan dagaalka ka socda gobolka Sool oo sababay dhimasho iyo dhawac soo kala gaaray dadka walaalaha ee dagaalamaya.

Previous Post

Guddiga KheyraadKa Dabiiciga iyo Bay’adda ee Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Ku-simaha Wasiirka Batroolka iyo Macdanta +Sawirro

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In