Tuesday, May 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Khudbaddii Ra’iisul Wasaare Kheyre ee shirka OIC

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Wasiirka arrimaha dibadda XFS oo faah faahin ka bixiyay qodobada ka soo baxay Shirka OIC “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Excellences, Ladies and Gentlemen,

Tani waxay ii tahay fursad weyn in aan idin ku soo dhaweeyay kulanka taarikhiga ah. Waa markii ugu horey ee kooxda xiriirka OIC ee Soomaaliya ay ku kulmaan Soomaaliya kaas oo looga hadlayo  horumarinta amniga iyo sidii loo heli lahaa hey’adda xasiloon.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ahna isku duwaha Hay’adaha Qaramada Midoobay

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ahna isku duwaha Hay’adaha Qaramada Midoobay

May 4, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo furay Tababar ku saabsan Ka Hortagga tabinta Hadallada Naceybka ee xilliyada Doorashooyinka

Wasiirka Warfaafinta oo furay Tababar ku saabsan Ka Hortagga tabinta Hadallada Naceybka ee xilliyada Doorashooyinka

May 3, 2026

 

In shirkan lagu qabto Soomaaliya waxaa ay ugu marakacaysaa isbedelka ka dhacay wadankeena, sanad iyo barkii la soo dhaafay Soomaaliya waxaa ay ka shaqeysay horumarka iyo nabad geliyada dalalka dariska iyo geeska Afrika iyo guud ahaan caalamka.

Anaga, ka aas aase iyo xubin ahaa IOC, kulankan waxaa uu inoo yahay calaamad kale oo tusaysa in ay soo laabatay kaalintii bulshada calamka Somaliya ay ku laheyd oo xalka loogu raadinayay mashaakilaadka calamka.

Excellences, Ladies and Gentlemen,

18 bilood ee u dambeeyay, si adag ayaan u shaqeynay si loo xaqiijiyo ahdaafta dowladda oo ah isbedelka hey’adeena. Waxaa sameynay isbedelo muhiim ah; sida  amniga, dhaqaalha, siyaasadda loo dhan yahay iyo horumarinta adeegyada bulshada, Afarta tiir ee dowladda.

Kooxda xiriirta IOC ee Soomaaliya waa ay nagala shaqeeyeen sidii aan u xaqiijin laheyd hanaankan ayagoo gacan muhiim ah ka geysanayay sidii aan u gaari laheyd meesha aan maanta joogno ururka iyo xubnihiisaba si waangsan ayay inoo garab istaageen.

Excellences, Ladies and Gentlemen,

Inkastoo Soomaaliya ay sameysay horumar balaaran ka sameysay meelo muhiim ah, wali waxaan aragnaa hab dhaqankii hore taas ayaana caqabad weyn ku ah fursadda maanta Somalia heysato.

Aan  siyaasadda u nimaadno waxaa heynaa waddada waxaana loo qabsoomay arrimo muhiim ah sida sharciyada iyo hanaanka doorashada soo socota.

Dhaqaalaheena,  waxaa sameynay kordhin dakhliga gudaha ayagoo la falgalnay hey’adaha maaliyadda caalamka. Hanaankan waxaa uu suurtagal ka dhigay in la labo laabo bixinta adeegyada bulshada hagaajinta amniga oo ay ku jirta dib u habeynta iyo isku dhafka cciidanka si xoogageena ula waregaan mas’uuliyadda ammaanka wadanka.

Intaa waxaa dheer, hadda waxaa heysanaa hogaamin wanaagsan oo adag kana shaqeysay danaha dadka Soomaaliyeed.

Dhammaan mukawanaadkan waa guul, waxa naga maqan ayaa ah in aan la’nahay sidii loo bedeli lahaa sida loo arko Soomaaliya ama waxa laga aaminsan yahay.

Waxaan walaalaheen OIC ka rabnaa in ay hogaan u noqdaan arrintaas si aduunka aan ula garaytano isla markaana aan bedelno Somaliyadii hore  oo aan u sameyno Somalia cusub ee ka bedelan tii hore.

Sanad iyo badhkii u dambeeyay, waxaa sameysay isbedel dhaqaale oo aad u weyn anagoo u jeedkeenu yahay sidii deynta nalooga cafin lahaa.

OIC waxaa ka rabnaa in ay doorkeeda deyn cafinta ah qaadato isla markaana kuwa kale ku booriso in ay waqtiga la qaataan Soomaaliya khatarta.

Wallow aan mahad idin kaga heyno kaalamadiina aan siisaan Soomaaliya, waxaan door bideynaa in aan naga ganacsataan isla markana aan wadankeena maalgashatada u soo jiidno.

Waxaa xubnaha OIC ka doonaynaa inay ka faa’ideystaan fursadda maalgashi ee Somaliyada cusub taala. Garab istaagiina waxaa bedeli karnaa sida Somalia loo arko maanta, maalgashiga la soo jiito, baayac mushtarka la wadaago iyo iskaashi amni la sameyo.

Ladies and Gentlemen, dear brothers and sisters,

In guul lagu gunaanado ahmiyadaha dowladda ledahay, waxay u baahan tahay garab istaag muhiim ah oo ka imaanaysa dalalka aan walaalahanahay labada sano ee soo aadan. Kaalmadaas  waxaa ay dabooli kartaa baahiyaha aas aasiga ah ee dowladda oo ay kamid tahay bixinta adeegyada iyo shaqo abuurka dhalinyarada iyo WIM.

Excellencies, Ladies and Gentlemen,

Sanado badan, Somalia waxa loo arkayay xubin OIC ah oo dhibaatoonaysay culeysna ku ah ururka, laakiin maanta waxaa joognaa meel xoogaa malgashi ah lagu sameyn karo oo khatar lagu qaadan karo Somalia waa ay guuleysatay.

Rajadayda waxaa ay tahay in kulankan uu noqon doono mid dirdaha u fura Somalia isla markaana adkaynaya in aan ku soo laabanay dhammaan ururada dalalka caalamka.

Tallaabooyinkii aan qaadnay sanadk iyo bar ka hor inkastoo ay aad u adkaayeen hana waa lagama maarmaan ayay ahaayeen. Waxaa naga go’an in aan ku sii socono jidka horumarka iyo deganaansho buuxd lagu gaari karo.

Waxaa bogaadinaynaa sii joogteynta caawimaadkiina waxana idin ku boorinaynaa in aad nagu garab istaagtaan dhameystirka safarka inta ka dhiman.

Mahadsanidiin

Previous Post

FINAL COMMUNIQUÉ OF THE OIC CONTACT GROUP MEETING ON SOMALIA

Next Post

Akhriso: Warmurtiyeedka laga soo saaray shirka Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee OIC

Next Post
Akhriso: Warmurtiyeedka laga soo saaray shirka Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee OIC

Akhriso: Warmurtiyeedka laga soo saaray shirka Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee OIC

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ahna isku duwaha Hay’adaha Qaramada Midoobay

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ahna isku duwaha Hay’adaha Qaramada Midoobay

May 4, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daud Aweis Jama ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka...

Wasiirka Warfaafinta oo furay Tababar ku saabsan Ka Hortagga tabinta Hadallada Naceybka ee xilliyada Doorashooyinka

Wasiirka Warfaafinta oo furay Tababar ku saabsan Ka Hortagga tabinta Hadallada Naceybka ee xilliyada Doorashooyinka

May 3, 2026
0

Aqoon-isweydaarsigan oo soconaya muddo laba maalmood ah waxaa ka qayb galaya in ka badan 35 suxufi oo ka kala socda...

Dowladda Soomaaliya oo Xoojinaysa Iskaashiga dhanka Istiraatiijiga ah oo ay la leedahay Hoggaanka UNDP.

Dowladda Soomaaliya oo Xoojinaysa Iskaashiga dhanka Istiraatiijiga ah oo ay la leedahay Hoggaanka UNDP.

May 3, 2026
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Xamza Haadow, ayaa qaabilay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada...

Qaar kamid ah Wakiillada Beesha Caalamka oo soo dhaweeyay gogasha wadatashiga ee uu ku dhawaaqay Madaxweyne Xasan Sheekh

Qaar kamid ah Wakiillada Beesha Caalamka oo soo dhaweeyay gogasha wadatashiga ee uu ku dhawaaqay Madaxweyne Xasan Sheekh

May 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xafiiska Qaramada Midoobay ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (UNTMIS) iyo Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska ayaa soo dhoweeyay martiqaadka Dowladda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In