Monday, October 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Qadar iyo Ururka OIC oo xaqiijiyay iney ka go’an tahay taageerida Soomaaliya

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
7 years ago
in Wararka
0
Dowladda Qadar iyo Ururka OIC oo xaqiijiyay iney ka go’an tahay taageerida Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa balan qaaday inuu sii wadi doono taageerada dadaalka Shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay ku doonayaan iney ku dhistaan mustaqbal adag oo dalkooda ah, ayuu yiri Hesham Youssef, kaaliyaha xoghayaha guud ee arrimaha gargaarka ee OIC.

Hadalkaan ayuu kaaliyaha xoghayaha guud ee arrimaha gargaarka Ururka OIC ka jeediyay shirkii Kooxda Xiriirka Soomaaliya ay 27-ka October 2018,ku yeesheen magaalada Muqdisho.

Related posts

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

October 13, 2025
Safiirka JFS ee Dalka Yeman oo la kulmay Wasiirka Gaashaandhigga ee Dalkaas

Safiirka JFS ee Dalka Yeman oo la kulmay Wasiirka Gaashaandhigga ee Dalkaas

October 13, 2025

Dhanka kale, Dowladda Qatar ayaa shaacisay in ay sii wadi doonto taageerada muhiimka ah ee ay siiso Soomaaliya, ayna ku dadaali doonto sidii loo siin lahaa kaalmada lagama maarmaanka u ah waddanka.

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Qadar Sultan bin Saad al-Muraikhi oo Muqdisho kaga qeyb galay shirkii Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka OIC ayaa sheegay in Dowladiisa ay Soomaaliya ka taageertay horumarinta dhinacyada amniga,awood-siinta dhaqaalaha,barnaamijka shaqo abuurka ee dhalinyarada,nabada iyo dib- u-heshiisiinta,wuxuuna hadalkiisa intaasi ku daray in Qadar ay hirgelisay mashaariic horumarineed oo ay ka mid yihiin dugsiyada, isbitaallada, xarumaha caafimaadka, guryaha loogu talagalay dadka saboolka ah iyo mashaariic lagu taageerayo dadka danta yar.

Wuxuu tilmaamay in Qatar Red Crescent Society iyo Qatar Charity ay bixiyeen gargaar bani’aadamnimo ah ayna fuliyeen mashaariic horumarineed oo qiimahoodu yahay $ 200mn, oo ay ku jiraan dhismaha iyo dayactirka xarumaha dawladda iyo waddooyinka isku xira caasimadda Muqdisho ee magaalooyinka Jowhar iyo Afgooye.

Wasiirka arrimaha dibada Qadar Mr. Al-Muraikhi wuxuu ku celiyay taageerada joogtada ah ee Qatar ay u fidiso dowladda Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed si ay u xaqiijiyaan rajadooda iyo rabitaankooda ku aaddan in ay dhistaan Qarankooda, si ay u xaqiijiyaan mustaqbal barwaaqo ah oo jiilalka soo socda, ayna ilaaliyaan midnimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya.

Shirka Kooxda xiriirka Soomaalia ee OIC oo 27-ka October 2018-ka ka qabsoomay magaalada Muqdisho, ayaa arrimaha looga hadlay waxaa ka mid ahaa sida nabad galyada,hanaanka dhismaha Dowlad Goboleedyada,dadaalada xasilinta iyo hanaanka dimuqraadiyeynta dalka.

Previous Post

Faa’iidooyinka Shirka Muqdisho ee Kooxda Xariirka Soomaaliya ee O.I.C

Next Post

Wasaaradda Waxbarashadda JFS oo daahfurtay Hirgelinta Mashruuc Waxbarasho “Sawiro”.

Next Post
Wasaaradda Waxbarashadda JFS oo daahfurtay Hirgelinta Mashruuc Waxbarasho “Sawiro”.

Wasaaradda Waxbarashadda JFS oo daahfurtay Hirgelinta Mashruuc Waxbarasho "Sawiro".

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

October 13, 2025
0

Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay Warbixinta dib-u-eegista 4-aad ee barnaamijka wada-shaqaynta ah ee ay la leedahay Dowladda...

Safiirka JFS ee Dalka Yeman oo la kulmay Wasiirka Gaashaandhigga ee Dalkaas

Safiirka JFS ee Dalka Yeman oo la kulmay Wasiirka Gaashaandhigga ee Dalkaas

October 13, 2025
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Yeman, Mudane Cabdixakiim Maxamed Axmed, ayaa magaalada Cadan kulan kula yeeshay Wasiirka Gaashaandhigga ee...

Wasiirka Qoyska oo kulan la qaadatay dhiggeeda dalka Qadar

Wasiirka Qoyska oo kulan la qaadatay dhiggeeda dalka Qadar

October 13, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS ayaa kulan rasmi ah la yeelatay dhigeeda Wasiirka Qoyska ee Dowladda aan...

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

October 12, 2025
0

Guddiga ku meel gaarka ah ee soo xulista Xildhibaannada Soomaaliya ku matelaya Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In