Saturday, May 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Qadar iyo Ururka OIC oo xaqiijiyay iney ka go’an tahay taageerida Soomaaliya

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Dowladda Qadar iyo Ururka OIC oo xaqiijiyay iney ka go’an tahay taageerida Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa balan qaaday inuu sii wadi doono taageerada dadaalka Shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay ku doonayaan iney ku dhistaan mustaqbal adag oo dalkooda ah, ayuu yiri Hesham Youssef, kaaliyaha xoghayaha guud ee arrimaha gargaarka ee OIC.

Hadalkaan ayuu kaaliyaha xoghayaha guud ee arrimaha gargaarka Ururka OIC ka jeediyay shirkii Kooxda Xiriirka Soomaaliya ay 27-ka October 2018,ku yeesheen magaalada Muqdisho.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa: “Dadka reer Muqdisho diyaar uma aha in ay ka tanasulaan nabadda ay heystaan”

Ra’iisul Wasaare Xamsa: “Dadka reer Muqdisho diyaar uma aha in ay ka tanasulaan nabadda ay heystaan”

May 28, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh: Midnimada iyo wadajirka shacabka waa tiirka dib u dhiska Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh: Midnimada iyo wadajirka shacabka waa tiirka dib u dhiska Soomaaliya

May 28, 2026

Dhanka kale, Dowladda Qatar ayaa shaacisay in ay sii wadi doonto taageerada muhiimka ah ee ay siiso Soomaaliya, ayna ku dadaali doonto sidii loo siin lahaa kaalmada lagama maarmaanka u ah waddanka.

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Qadar Sultan bin Saad al-Muraikhi oo Muqdisho kaga qeyb galay shirkii Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka OIC ayaa sheegay in Dowladiisa ay Soomaaliya ka taageertay horumarinta dhinacyada amniga,awood-siinta dhaqaalaha,barnaamijka shaqo abuurka ee dhalinyarada,nabada iyo dib- u-heshiisiinta,wuxuuna hadalkiisa intaasi ku daray in Qadar ay hirgelisay mashaariic horumarineed oo ay ka mid yihiin dugsiyada, isbitaallada, xarumaha caafimaadka, guryaha loogu talagalay dadka saboolka ah iyo mashaariic lagu taageerayo dadka danta yar.

Wuxuu tilmaamay in Qatar Red Crescent Society iyo Qatar Charity ay bixiyeen gargaar bani’aadamnimo ah ayna fuliyeen mashaariic horumarineed oo qiimahoodu yahay $ 200mn, oo ay ku jiraan dhismaha iyo dayactirka xarumaha dawladda iyo waddooyinka isku xira caasimadda Muqdisho ee magaalooyinka Jowhar iyo Afgooye.

Wasiirka arrimaha dibada Qadar Mr. Al-Muraikhi wuxuu ku celiyay taageerada joogtada ah ee Qatar ay u fidiso dowladda Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed si ay u xaqiijiyaan rajadooda iyo rabitaankooda ku aaddan in ay dhistaan Qarankooda, si ay u xaqiijiyaan mustaqbal barwaaqo ah oo jiilalka soo socda, ayna ilaaliyaan midnimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya.

Shirka Kooxda xiriirka Soomaalia ee OIC oo 27-ka October 2018-ka ka qabsoomay magaalada Muqdisho, ayaa arrimaha looga hadlay waxaa ka mid ahaa sida nabad galyada,hanaanka dhismaha Dowlad Goboleedyada,dadaalada xasilinta iyo hanaanka dimuqraadiyeynta dalka.

Previous Post

Faa’iidooyinka Shirka Muqdisho ee Kooxda Xariirka Soomaaliya ee O.I.C

Next Post

Wasaaradda Waxbarashadda JFS oo daahfurtay Hirgelinta Mashruuc Waxbarasho “Sawiro”.

Next Post
Wasaaradda Waxbarashadda JFS oo daahfurtay Hirgelinta Mashruuc Waxbarasho “Sawiro”.

Wasaaradda Waxbarashadda JFS oo daahfurtay Hirgelinta Mashruuc Waxbarasho "Sawiro".

Ra’iisul Wasaare Xamsa: “Dadka reer Muqdisho diyaar uma aha in ay ka tanasulaan nabadda ay heystaan”

Ra’iisul Wasaare Xamsa: “Dadka reer Muqdisho diyaar uma aha in ay ka tanasulaan nabadda ay heystaan”

May 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane, Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in dadka reer Muqdisho aysan diyaar u ahayn in ay ka...

Madaxweyne Xasan Sheekh: Midnimada iyo wadajirka shacabka waa tiirka dib u dhiska Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh: Midnimada iyo wadajirka shacabka waa tiirka dib u dhiska Soomaaliya

May 28, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in midnimada shacabka Soomaaliyeed ay laf-dhabar u tahay geeddi-socodka dib...

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo Baydhabo kula Dukaday boqolaal ruux

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo Baydhabo kula Dukaday boqolaal ruux

May 27, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shacab iyo masuuliyiin kula...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah la oogay saaladda Ciidda Carafo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah la oogay saaladda Ciidda Carafo

May 27, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa boqolaal ka mid ah shacabka Soomaaliyeed kula tukaday Salaadda Ciidda Carafo,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In