kulankan ay soo Agaasintay Wasaaradda Haweenka iyo Horumariinta Xuquuqda Aadanhay XFS ayaa looga hadlay Awoodiinta iyo sare u qaadida Doorka Ka Qeyb galka Haweenka ee Dhanka Siyaasadda loo dhan yahay taas oo la sheegay in ahmiyad weyn ay u leedahay Haweenka Soomaaliyeed oo Door muuqdo ka qaata Horumarka dalka.
Agaasimaha Waaxda Qorsheynta ee Wasaaradda Haweenka Iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha XFS Feysal Nuur Farax oo Daahfuraay Kulankaan Wadatashiga ah ayaa Sharxay Ahmiyada ay leedahay in Haweenka ay Ka qeybgalaan Siyaasadda Dalka.
Agaasimaha Waaxda Xuquuqul Insaanka ee Wasaaradda Haweenka Axmed Cabdi Cumar iyo Agaasimaha Waaxada Genderka Sacdiyo Maxamed Nuur Ayaa si isku mid ah uu sheegay in Wasaaradda Haweenka ay mar walibo ka shaqeneyso siddii Haweenka Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen Doorka Ay ku leeyihiin Siyaasada Dalka.
Kasoo Qeyb galayaasha kulankaan Wadatashiga Ayaa si isku mid ah isugu racaay muhiimada ay leedahay dar dargalinta sare uu qaadida Doorka Haweenka Soomaaliyed ay ku leeyahiin Siyaasadda.