Friday, June 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Waxbarashada XFS oo daah furay mashruuc kor loogu qaadayo xirfadda farsamada gacanta

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Waxbarashada XFS oo daah furay mashruuc kor loogu qaadayo xirfadda farsamada gacanta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

June 18, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

June 17, 2026

Wasiirka Wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya  Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah uga daah furay mashruuc kor loogu qaadayo xirfadda farsamada gacanta.

 

Munaasabadda daah furka  barnaamijkaan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka qorsheynta Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xassan, danjiraha Jarmalka, ee dalalka Soomaaliya, Kenya iyo Seychelles  Ambassador, Annett Guenther, wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Mudane Saalax Jaamac,  guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow, iyo  Xoghayaha wasaaradda waxbarashada Axmed Yuusuf Xassan.

Mashruucan ayaa waxaa ku baxaya lacag dhan 13 Milyan oo Yuro, waxana sideed ka mid ah bixinaya midowga Yurub halka shanta kalana ay bixineyso dowladda Jarmalka.

“Maanta waxaan si rasmi ah u daah furay mashruuc loogu talo galay in lagu kobciyo aqoonta xirfadleyda  farsamada gacanta, mashruucan ayaa waxaa ku baxaya lacag dhan 13 Milyan oo Yuro sideed ka mid ah waxaa bixinaya midowga Yuru halka shanta kalana ay bixinayaan Jarmalka”ayuu yiri wasiirka waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee dalka.

Wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya  Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa sheegay in mashruucan uu soo saari , doonaa 3000 kun oo ruux, muddo gaban,  isagoo sheegay in laga hirgelin doono guud ahaan dalka gaar ahaan meelaha dadka ku badan yihiin.

“Mashruucan wuxuu ka hirgeli doonaa dhammaan gobollada dalka, qaasatan meelaha dadka ku badan yihiin, arrintan waa mid wanaagsan islamarkana baahi weyn loo qabay, mashruucan hadii aan ku guuleysano, waxaa hirgeli doono mashaariic kale”ayuu yiri Mudane Cabdulahi Goodax Barre.

Wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa maalin ka hor sidan  oo kale daah furay mashruuc lagu horumarinayo waxbarashada dalka..

Previous Post

Ciidanka Xoogga dalka oo khasaare lixaad leh gaarsiiyey  Argagixisada Al-shabaab

Next Post

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dawladda Kenya

Next Post
Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dawladda Kenya

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dawladda Kenya

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

June 18, 2026
0

Xoghaynta Ururka Goboleedka IGAD ayaa adkeysay sida ay uga go’an tahay ilaalinta madaxbannaanida, midnimada, wadajirka dhuleed, iyo madax bannaanida siyaasadeed...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

June 17, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay fanaanka Saalax Sanaag, Abwaan Cabdiraxmaan...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka jeediyey Shirka OOC11

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka jeediyey Shirka OOC11

June 17, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta khudbad ka jeediyay Shirweynaha 11-aad ee Our Ocean...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ee Afrika

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ee Afrika

June 17, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In