Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha oo maanta daah furtay Ololaha Talaalka Ariga “SAWIRRO”

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Xanaanada Xoolaha oo maanta daah furtay Ololaha Talaalka Ariga “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadan oo aay soo qabanqaabisay wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee xukuumada federaalka ah ee Soomaaliya  ayuu u jeedkeedu ahaa daahfurka mashruuca Ololaha Talaalka Ariga  ee cudurada Jadeecada iyo furuqa si looga hortago Xanuunada ay sababaan.

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

Wasiirka wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Agaasimaha guud ee wasaaradda, Madax ka socotay heyada FAO, dhaqaatiir, aqoonyahno iyo marti sharaf kale ayaana ka qeyb galay kulankan oo aad loogu gorfeeyay muhiimada uu talaalku u leeyahay xoolaha gaar ahaan ariga.

Drs. Nuurto Sheekh Maxamuud oo ku hadashay magaca ururada ka shaqeeya arrimaha Xoolaha  ayaa sharaxday muhiimada uu talaalkan leeyahay iyo muddada uu socon doono.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Xanaannada Xoolaha Maxamed Cumar Nuur Ayaa sheegay iney farxad u tahay ineey sanadkii labaad daahfuraan talaalka xoolaha si loo helo xoolo caafimaad qaba oo lagu nacfiyo.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya Xildibaan Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen oo kulanka soo xiray ayaa tilmaamay ineey ahmiyad weyn siinayaan sidii loo horumarin lahaa    xoolaha oo ay dadka soomaaliyeed aad ugu tiirsanyihiin .

Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen wasiirka Xanaanada Xoolaha ayaa dhinaca kale sheegay in ay wadaan dadaalo ku saabsan sidii dib loogu bilaabi lahaa xoolihii loo dhiifin jiray dalka Sacuudiga oo ay hada wadahadalo kula jiraan.

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa xukuumada Soomaliya ayaa sanadkiiba laba jeer fulisa  talaalka caafimaad qabka xoolaha,  waxaana sanadkan  la filayaa in  xanuunada jadeecada iyo furuqa laga talaalo in kabadan Sideed iyo labaatan milyan  oo ari ah oo ku dhaqan guud ahaan dalka .

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Khayre oo la kulmay Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Finland.

Next Post

Maamulka Gobolka Banaadir oo daah furay Mashruuca horumarinta iyo shaqo abuurka Gobolka

Next Post
Maamulka Gobolka Banaadir oo daah furay Mashruuca horumarinta iyo shaqo abuurka Gobolka

Maamulka Gobolka Banaadir oo daah furay Mashruuca horumarinta iyo shaqo abuurka Gobolka

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In