Madaxweynaha Dalka Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa waxa uu cambaareeyay dibadbaxyada qalalaasaha wata ee dabayaaqada todobaadkii labaad ka dhacaya guud ahaan waddankakaasi.
Dibadbaxayaasha ayaa waxa ay ka soo horjeedaan kharashka lagu kordhiyay canshuurta laga qaado shidaalka,iyadoo Madaxweyne Emmanuel Macron uu meesha ka saaray dalabka dadka dhigaya dibdabaxa, kuwaa oo ka cabanayay qiimaha shidaalka oo sare u kacay.
Emmanuel Macron ayaa sidoo kale ku bogaadiyay laamaha ammaanka kartidooda iyo qaabkii wanaagsanaa ee ay u guteen waajibaadkooda.
In ka badan 100,000 oo qof ayaa ka qeyb qaatay dibadbaxyadan looga soo horjeedo kororoka qiimaha shidaalka oo shalay ka dhacay magaalada Paris.
Afhayeen u hadlay dibadbaxayaasha ayaa ku adkaystay in si nabad ah ay raโyigooda ku soo bandhigayeen. โHalkan uma joogno inaan booliska kula dirirno, waxaan doonaynaa oo kaliya in dowladdu ay ina dhageysato,โ
Saraakiisha ayaa sheegaya in 19 qof ay iskudhacyada ku dhaawacmeen, kuwaas oo ay ka mid yihiin afar askari oo boolis ah. Afartan qof ayaa xabsiga loo taxaabay.
BBC