Sunday, May 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Koonfurta Suudaan oo balan qaday in wax laga qabanayo culeysyada heysta ganacsatada Soomaaliyeed

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Dowladda Koonfurta Suudaan oo balan qaday in wax laga qabanayo culeysyada heysta ganacsatada Soomaaliyeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulanka saaka ka dhacay xafiiska Wasiirka Maaliyadda iyo Qorsheynta dalka Koonfurta Suudaan Salvatore Garang ayaa waxaa yeeshay Wasiirka iyo Safiirka Jamhuuriyadda Soomaaliya u fadhiya dalkaas Danjire Xuseen Xaaji Axmed oo ay wehliyaan Guddiga ganacsatada Soomaaliyeed ee Jubba iyo la taliyaha ganacsiga ee safaarada, waxaana kulanka diiradda lagu saaray arrimo dhowr ah sida xoojinta xiriirka iskaashi ee labada dal.

Related posts

Musharrax Aadan Madoobe iyo mas’uuliyiin kale oo ka codeeyay Baydhaba

Musharrax Aadan Madoobe iyo mas’uuliyiin kale oo ka codeeyay Baydhaba

May 10, 2026
Shacabka deegaannada Koonfur Galbeed oo saakay u dareeray doorashooyinka qof iyo codka ah

Shacabka deegaannada Koonfur Galbeed oo saakay u dareeray doorashooyinka qof iyo codka ah

May 10, 2026

Kulankaas waxaa lagu gorfeeyay sidii lacagaha qalaad loogu fududeyn lahaa ganacsatada Soomaaliyeed ee dalkaas ku ganacsata iyo dhibaatooyinka Soomaalida ka haysta isticmaalka bankiyada dalkaas oo waqti soo jiitameysay, iyadoo kulanku uu qayb ka ahaa kulamo badan oo xal loogu raadinayo dhibaatooyinka ganacsatada Soomaaliyeed ee Jubba ku nool oo mas’uuliyiinta safaaraddu ay la yeelanayeen Madaxda wadanka Koonfurta Suudaan

Danjire Xuseen Xaaji Axmed ayaa Wasiirka ka dalbaday in loo fududeeyo ganacsatada adeegyada ay u baahan yihiin ee la xiriira ganacsigooda, isla markaana dowladdu xaliso culeysyada ay la kulmaan, waxaana guddiga ganacsatada  ay gudbiyeen dhankooda cabashada waxaana Wasiirku Maaliyadda balan qaaday in si dhaqso ah ay dowladu uga jawaabeyso cadsiga kaga yimid safiirka iyo Guddiga ganacsatada Soomaaliyeed.

Danjiraha Jamhuuriyadda Soomaaliya u fadhiya Koonfurta Suudaan ayaa horay kulan uu xal ugu raadinayo arrimahaan, waxaa uu la qaatay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Baarlamaanka dalkaas, Wasiirka Arrimaha dibadda, Ganacsiga, arrimaha gudaha iyo kuwa kale.

Previous Post

Guddoonka Golaha Shacabka oo kala diray Guddiga Miisaaniyada, Maalliyadda,Qorsheynta iyo La Xisaabtanka ee Golaha

Next Post

Madaxweynaha Hirshabeelle oo Beledweyne ku qaabilay wafdi ka socday Midowga Africa “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha Hirshabeelle oo Beledweyne ku qaabilay wafdi ka socday Midowga Africa “SAWIRRO”

Madaxweynaha Hirshabeelle oo Beledweyne ku qaabilay wafdi ka socday Midowga Africa "SAWIRRO"

PRESS RELEASE;Federal Government Reaffirms Right to Peaceful Assembly and Warns Against Violent Political Mobilization

PRESS RELEASE;Federal Government Reaffirms Right to Peaceful Assembly and Warns Against Violent Political Mobilization

May 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-The Federal Government of Somalia reaffirms its full respect for the constitutional rights of citizens to peaceful assembly, expression,...

Musharrax Aadan Madoobe iyo mas’uuliyiin kale oo ka codeeyay Baydhaba

Musharrax Aadan Madoobe iyo mas’uuliyiin kale oo ka codeeyay Baydhaba

May 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Musharrax Madaxweyne, ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe, xildhibaanno iyo wasiirro ka tirsan XFS ayaa ka codeeyay magaalada...

Shacabka deegaannada Koonfur Galbeed oo saakay u dareeray doorashooyinka qof iyo codka ah

Shacabka deegaannada Koonfur Galbeed oo saakay u dareeray doorashooyinka qof iyo codka ah

May 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Shacabweynaha deegaannada Koonfur Galbeed waxaa si rasmi ah saakay uga bilowday doorashooyinka isku sidkan ee Golaha Wakiillada iyo Golaha...

DAAWO SAWIRRO:-Diyaar garowga doorashooyinka qof iyo cod ee gobolka Bakool

DAAWO SAWIRRO:-Diyaar garowga doorashooyinka qof iyo cod ee gobolka Bakool

May 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAKOOL):-Shacabka deegaannada Koonfur Galbeed ayaa saaka u dareeray goobaha codbixinta loo asteeyay, si ay uga qayb galaan doorashada golayaasha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In