Saturday, October 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Banbax Sanadeedka koowaad ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo furmay (War Saxaafadeed)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Banbax Sanadeedka koowaad ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo furmay (War Saxaafadeed)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa magaalada Muqdisho ka furmay Banbax Sanadeedka (Annual Retreat) koowaad ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka kaasoo ay ka qeybgalayaan dhamaan Agaasimayaasha, La-taliyayaasha iyo Shaqaalaha Wasaaradda.

Banbaxan oo uu furay Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Dastuurka ayaa maalmaha uu socdo waxaa looga doodi doonaa Qorshaha Wasaaradda ee sanadka 2019ka iyo tababar ay qaadan doonaan shaqaalaha Wasaaradda.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

October 3, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026

Ugu horayn, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr ayaa ka hadlay arrimaha uu quseeyo Banbaxan isagoo sheegay in dhamaan Waaxyaha Wasaaradda ay soo bandhigi doonaan hawlihii ay qabteen sanadkan dhamaanaya ee 2018ka iyo qorshaha sanadka soo socda ee 2019ka.

Dhanka kale, Wasiir Ku-Xigeenka Dr. Xuseen Cabdi Cilmi oo khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyay furitaanka Banbaxa ayaa yiri “Dhamaan Agaasimayaasha, La-taliyayaasha iyo Shaqaalaha Wasaaradan waxey muhiimad gaar ah u leeyihiin dalka, waad ogtihiin waajibaadka masiiriga ah ee ina saran iyo hawsha ay dadka Soomaliyeed inaga sugayaan, sidaa awgeed waxaa ku faraxsanahay in maanta uu inoo bilowday Banbax howleedkan oo kor loogu qaadayo tayada shaqaalaha islamarkaana looga arinsanayo Qorshaha Wasaaradda ee sanadka soo socda”.

Ugu dambayn, Banbaxan ayaa seddex maalin kadib la soo gabagabayn doonaa iyada oo laga soo saari doono Qorshaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee sanadka 2019ka.

Previous Post

Gudoomiye Tuulax oo kormeeray Xarumaha Degmooyinka Xamar Jajab, Xamar weyne & Waaberi (SAWIRRO)

Next Post

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo Dalka dib ugu soo laabtay “Sawirro”

Next Post
Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo Dalka dib ugu soo laabtay “Sawirro”

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo Dalka dib ugu soo laabtay "Sawirro"

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

October 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa Magaalada Arusha ee Dalka Tanzania kulan...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran ayaa gaaray magaalada Al-Calamayn ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar....

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026
0

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Galmudug, oo kaashanaysa Ciidanka Difaaca Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya, ayaa hawlgal kormeer iyo...

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In