Friday, August 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo kulan dhiiragalin ah la qaatay Ciidamo loo diyaariyay Howlgalada ka socda Shabeellada Hoose

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo kulan dhiiragalin ah la qaatay Ciidamo loo diyaariyay Howlgalada ka socda Shabeellada Hoose
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka General Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe oo ay wehliyaan Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa kulan dhiiragelin ah la qaatay dhalinyaro Soomaaliyeed oo si mutadawacnimo ah ugu biiray Ciidamada Xoogga Dalka gaar ahaan 14-ka October.

Ciidanka uu dhiiragalinta la qaatay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ahaa kuwo la baray Difaaca Dalka, iyagoona Mudo tababar Milatari ku qaatay xerada Tababarka General Gordan ee Magaalada Muqdisho.

Related posts

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

August 28, 2026
Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

August 27, 2026

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe ayaa dhalinyarada ka mid noqotay Ciidanka Xoogga Dalka ee u dhammaaday tababarka ugu mahadceliyay sida geesinimada leh ee ugu mid noqdeen Ciidamada Xoogga Dalka

General Daahir Aadan Cilmi waxa uu faray Ciidamada in ay si wadajir ah ugu qeyb qaataan Howlgalada ka socda gobolka Shabellada Hoose.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe ayaa ammaanay sida geesinimada ah ay Ciidamada guutada 14-ka October ay nabad diidka Al-shabaab ugu sifeeyeen deegaanada Xeebta ah Sida Jilib-marko Gendarshe iyo Dhannaane

Ciidanka uu maanta kulanka dhiira galinta ah la qaatay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa ah Ciidamo dhammeystay Tababar, iyagoona maanta loo qeybiyay agabkii ay ku howlgalin lahaayeen ciidankan.

Previous Post

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Suudaan +Sawirro

Next Post

Saraakiil ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo tababar loogu soo xiray Tanzania +Sawirro

Next Post
Saraakiil ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo tababar loogu soo xiray Tanzania +Sawirro

Saraakiil ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo tababar loogu soo xiray Tanzania +Sawirro

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

August 28, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay xubno ka...

Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

August 27, 2026
0

Golaha Wasiirrada XFS ayaa kulankoodii maanta ku ansixiyey in Mudane Cabdulqaadir Cali Macallin Cabdullaahi uu noqdo xubin Guddiga Madaxa-bannaan ee...

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

August 27, 2026
0

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadantinimada ayaa maanta booqasho kormeer ah ku tagtay Xarunta...

AFRICA’S FRONTLINE FIGHT AGAINST FGM NEEDS FUNDING

AFRICA’S FRONTLINE FIGHT AGAINST FGM NEEDS FUNDING

August 27, 2026
0

Africa already has proven frontline/survivor led models that are working to end Female Genital Mutilation (FGM). The urgent question is...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In