Friday, March 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir ku xiggeenka Wasaaradda Diinta iyo Owqaafta oo Taliyaha Ciidanka Asluubta kala hadlay siddii loo wacyi gelin lahaa Maxaabiista Xabsiga dhexe ku xiran “Sawirro”

caqiil by caqiil
7 years ago
in Wararka
0
Wasiir ku xiggeenka Wasaaradda Diinta iyo Owqaafta oo Taliyaha Ciidanka Asluubta kala hadlay siddii loo wacyi gelin lahaa Maxaabiista Xabsiga dhexe ku xiran “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

March 26, 2026
Wasiirka Ganacsiga XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Cameroon

Wasiirka Ganacsiga XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Cameroon

March 26, 2026
Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wasiir ku xiggeenka Wasaaradda Diinta iyo Owqaafta XFS oo ay wehliyeen qaar kamid ah Culimada Wasaaradda.
 
Taliyaha Ciidanka Asluubta iyo Wasiir ku-xiggeenka Wasaaradda Diinta iyo Owqaafta ayaa kawada hadlay Siddii si wadajir ah ay isaga kaashan lahaayeen dhaqan celinta iyo Wacyi gelinta Maxaabiista Xabsiga dhexe ee Xamar ku xiran.
 
Wasiir Ku-xiggeenka wasaaradda Diinta iyo Owqaafta Xukuumadda Federaalka Soomaaliyeed ayaa xusay in Wasaaradda ay diyaar u tahay in kaalin weyn ay ka qaato Dhaqan celinta Maxaabiista kala duwan ee Xabsiga dhexe ku xiran, si looga wacyi geliyo Dambiyada loo soo xiray oo aysan ugu laaban mar kale.
 
Sidoo kale Wasiir Ku-xiggeenka wasaaradda Diinta iyo Owqaafta XFS ayaa sheegay in ay qorsheynayaan in dhawaan ay la kulmaan Maxaabiista u xiran Xagga diinta ee Xabsiga dhexe ku jira, kuwaasi oo ay qaldeen Kooxda Alshabaab, si looga wacyi geliyo Fikirka ku dhisan Burburinta ee ay ka aaminsan yihiin diinta Islaamka , loona barro Tafsiirka saxda ah ee Qur’aanka iyo Axaadiista Nabigeena Suuban (NNKH).
 
Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa tilmaamay in ay kala shaqeyn doonaan Wasaaradda Diinta iyo Owqaafta Wacyi gelinta Maxaabiista.
Previous Post

Saraakiil ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo tababar loogu soo xiray Tanzania +Sawirro

Next Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

March 26, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgallo qorsheysan, oo lagu dilay Horjoogihii isku xirka...

Wasiirka Ganacsiga XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Cameroon

Wasiirka Ganacsiga XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Cameroon

March 26, 2026
0

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa ka qeyb galay Shirweynaha 14aad ee Wasiirrada ee...

CXDS iyo AUSSOM oo ku dilay Mubaarak 40 ka tirsan khawaarijta 

CXDS iyo AUSSOM oo ku dilay Mubaarak 40 ka tirsan khawaarijta 

March 26, 2026
0

WAR-SAXAAFADEED, Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya ciidamada Uganda ee AUSSOM, ayaa jab culus gaarsiiyay maleeshiyaadka ka tirsan Khawaarijta, oo...

Soomaaliya iyo Spain oo kala saxiixday heshiis Taariikhi ah 

Soomaaliya iyo Spain oo kala saxiixday heshiis Taariikhi ah 

March 26, 2026
0

Dowladaha Soomaaliya iyo Spain ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad (MoU) oo dhidibada u aasaya hannaan wadatashi siyaasadeed oo joogto ah....

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In