Saturday, May 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Aqalka sare oo Kismaayo soo dhoweyn balaaran loogu sameeyay +Sawirro

caqiil by caqiil
7 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Aqalka sare oo Kismaayo soo dhoweyn balaaran loogu sameeyay +Sawirro

????????????????????????????????????

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wefdiga uu hogaaminayay guddoomiyaha golaha Aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya mudane Cabdi Xaashi C/laahi, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin uu horkacayay madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe.

Related posts

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay weerarradii ka dhacay dalka Kuwait

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay weerarradii ka dhacay dalka Kuwait

May 30, 2026
Ciidamada ammaanka oo hawlgallo amni xaqiijin ah ka wada gudaha magaalada Gaalkacyo

Ciidamada ammaanka oo hawlgallo amni xaqiijin ah ka wada gudaha magaalada Gaalkacyo

May 30, 2026

Soo dhoweynta wefdiga guddoomiyaha waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa qaar kamid ah dadweynaha magaalada Kismaayo,  Madaxweynaha Jubaland oo soo dhoweynta ka dib hadlay ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin imaanshaha xubnaha Aqalka sare ka socda ee maanta soo gaaray Kismaayo.

Madaxweynaha, ayaa sidoo kale, xusay in loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo horumarka wadanka isla markaana si gaar ah golaha Aqalka sare uu xil ugu saaran yahay ilaalinta iyo wadajir ah ummadda Soomaaliyeed.

“Waan idin soo dhaweynaynaa, imaatankiisana waxaa uu inoo yahay farxad, wixii fariimo iyo wada hadal ah dib ayaan ka yeelan doonaa,” ayuu yiri madaxweynaha Jubaland.

Guddoomiyaha golaha Aqalka sare, mudane Cabdi Xaashi C/laahi, ayaa madaxda iyo shacabka Jubaland ugu mahad celiyay soo dhaweynta ay u sameeyeen, isagoo tilmaamay in u jeedka ay Kismaayo u yimaadeen ay tahay sidii xal loogu heli lahaa kala aragti duwaanshaha u dhexeeya madaxda maamul goboleedyada iyo dowladda federaalka.

“Anagu waan idin nimid, waxaana idin kugu nimid nabadaa oo balaarata iyo dalkeena guud ahaan oo nabad noqda oo mid noqda oo heshiiya,” ayuu yiri Cabdi Xaashi.

Guddoomiyaha golaha Aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, mudane Cabdi Xaashi C/laahi, ayaa sidoo kale sheegay in ay muhiim tahay in qofkasta uu maanka ku hayo ahmiyadda nabadda iyo wadajir ay ku leedahaya dalka.

“Waxaynu u baahannahay midnimo iyo nabad guud ahaan dalka qofkasta oo mas’uul ahina in uu taa maskaxda ku heysto, diyaarna u noqdo nabad iyo heshiisiin dalka oo dhan ah,” ayuu hadalkiisa ku daray guddoomiyuhu.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay saraakiishii iyo askartii ku geeriyootay qaraxii Dhanaane

Next Post

Howlgal qorsheysan oo lagu soo qabtay xubno ka tirsan argagixisada Al-Shabaab

Next Post
Howlgallada lagu sugayo amaanka caasimadda oo la kordhiyay

Howlgal qorsheysan oo lagu soo qabtay xubno ka tirsan argagixisada Al-Shabaab

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay weerarradii ka dhacay dalka Kuwait

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay weerarradii ka dhacay dalka Kuwait

May 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujineysaa garab istaag buuxa oo ay la garab taagan tahay Dowladda walaalaha ah ee...

Ciidamada ammaanka oo hawlgallo amni xaqiijin ah ka wada gudaha magaalada Gaalkacyo

Ciidamada ammaanka oo hawlgallo amni xaqiijin ah ka wada gudaha magaalada Gaalkacyo

May 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidamada ammaanka ee Galmudug iyo Puntland oo iskaashanaya ayaa howlgallo wadajir ah ka sameeyay xaafado ka tirsan magaalada Galkacyo,...

Qorshe Mareykanku ku doonayo in Kenya xarun karantiil caafimaad looga dhiso oo muran badan ka dhaliyay Bariga Africa

Qorshe Mareykanku ku doonayo in Kenya xarun karantiil caafimaad looga dhiso oo muran badan ka dhaliyay Bariga Africa

May 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Qorshe lagu doonayo in Kenya laga dhiso xarun lagu karantiilo laguna daweeyo dadka Maraykanka ah,ee la kulmay Ebola ayaa...

Ururka Hidda-dhoor oo ka qayb galay maalinta Dhaqamada Jaaliyadaha oo lagu qabtay dalka Belgium

Ururka Hidda-dhoor oo ka qayb galay maalinta Dhaqamada Jaaliyadaha oo lagu qabtay dalka Belgium

May 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ururka Hidda Dhoor ayaa si weyn uga qeybgalay munaasabadda Maalinta Dhaqamada Jaaliyadaha ee lagu qabtay magaalada Kortrijk ee waddanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In