Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Aqalka sare oo Kismaayo soo dhoweyn balaaran loogu sameeyay +Sawirro

caqiil by caqiil
December 6, 2018
in Wararka
0
Guddoomiyaha Aqalka sare oo Kismaayo soo dhoweyn balaaran loogu sameeyay +Sawirro

????????????????????????????????????

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wefdiga uu hogaaminayay guddoomiyaha golaha Aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya mudane Cabdi Xaashi C/laahi, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin uu horkacayay madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe.

 

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025

Soo dhoweynta wefdiga guddoomiyaha waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa qaar kamid ah dadweynaha magaalada Kismaayo,  Madaxweynaha Jubaland oo soo dhoweynta ka dib hadlay ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin imaanshaha xubnaha Aqalka sare ka socda ee maanta soo gaaray Kismaayo.

Madaxweynaha, ayaa sidoo kale, xusay in loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo horumarka wadanka isla markaana si gaar ah golaha Aqalka sare uu xil ugu saaran yahay ilaalinta iyo wadajir ah ummadda Soomaaliyeed.

“Waan idin soo dhaweynaynaa, imaatankiisana waxaa uu inoo yahay farxad, wixii fariimo iyo wada hadal ah dib ayaan ka yeelan doonaa,” ayuu yiri madaxweynaha Jubaland.

Guddoomiyaha golaha Aqalka sare, mudane Cabdi Xaashi C/laahi, ayaa madaxda iyo shacabka Jubaland ugu mahad celiyay soo dhaweynta ay u sameeyeen, isagoo tilmaamay in u jeedka ay Kismaayo u yimaadeen ay tahay sidii xal loogu heli lahaa kala aragti duwaanshaha u dhexeeya madaxda maamul goboleedyada iyo dowladda federaalka.

“Anagu waan idin nimid, waxaana idin kugu nimid nabadaa oo balaarata iyo dalkeena guud ahaan oo nabad noqda oo mid noqda oo heshiiya,” ayuu yiri Cabdi Xaashi.

Guddoomiyaha golaha Aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, mudane Cabdi Xaashi C/laahi, ayaa sidoo kale sheegay in ay muhiim tahay in qofkasta uu maanka ku hayo ahmiyadda nabadda iyo wadajir ay ku leedahaya dalka.

“Waxaynu u baahannahay midnimo iyo nabad guud ahaan dalka qofkasta oo mas’uul ahina in uu taa maskaxda ku heysto, diyaarna u noqdo nabad iyo heshiisiin dalka oo dhan ah,” ayuu hadalkiisa ku daray guddoomiyuhu.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay saraakiishii iyo askartii ku geeriyootay qaraxii Dhanaane

Next Post

Howlgal qorsheysan oo lagu soo qabtay xubno ka tirsan argagixisada Al-Shabaab

Next Post
Howlgallada lagu sugayo amaanka caasimadda oo la kordhiyay

Howlgal qorsheysan oo lagu soo qabtay xubno ka tirsan argagixisada Al-Shabaab

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta u qaabilsan...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta Xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka...

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

July 14, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir Guddoominaya kulanka ay yeelanayaan Wasiirada Maaliyadda Madasha dalalka...

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

July 14, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Ali Haji Aden, ayaa maanta si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In