Wednesday, January 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Qado Sharaf u sameeyay Guddiyada Dib-u-eegsita Dastuurka Iyo Wasiirka Dastuurka+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
7 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Qado Sharaf u sameeyay Guddiyada Dib-u-eegsita Dastuurka Iyo Wasiirka Dastuurka+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre ayaa hoygiisa qado ugu sameeyay guddiga madaxa bannaan ee dib-u-eegista dastuurka, guddiga labada aqal ee dib-u-eegista iyo la socodka arrimaha dastuurka iyo wasiirka arrimaha dastuurka.

Guddiga madaxa bannaan ee dib-u-eegista dastuurka iyo guddiga labada aqal ee dib-u-eegista iyo la socodka arrimaha dastuurka, ayaa ra’iisul wasaaare Xasan Cali Khayre uga warbixiyay halka ay marayso hawosha dib-u-eegista dastuurka.

Related posts

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

January 14, 2026
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

January 14, 2026

Wasiirka arrimaha dastuurka, Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, ayaa sheegay in shanta cusutub ee ugu horraysa dastuurka lagu sameeyay dib-u-eegis afarta cutub ee ku xigtana dib-u-eegistooda lasoo gebagebaynayo bishaan gudaheeda taas oo ka dhigan in 75% dastuurka dib-u-eegis lagu sameeyay, uuna rajaynayo in horraanta sannadka 2019 la gebagebaynayo guud ahaan dib u eegista farsamo ee dastuurka ku-meel gaarka ah ee dalka.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa guddiga madaxa bannaan ee dib-u-eegista dastuurka, guddiga labada aqal ee dib-u-eegista iyo la socodka arrimaha dastuurka iyo wasiirka arrimaha dastuurka, u sheegay in hawla badan oo qaranka muhiim u ah ay ku xiranyihiin qabya-tirka dastuurka, sidaa darteed baahi wayn loo qabo in guddiyadu ay laba jibbaaraan dadar-gelinnta gudashada waajibaadka saaran.

Previous Post

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare oo Kismaayo kula kulmay ururada Bulshada rayidka+Sawirro

Next Post

Guddoomiyaha Golaha shacabka oo la kulmay Safiirka Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya+Sawirro

Next Post
Guddoomiyaha Golaha shacabka oo la kulmay Safiirka Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya+Sawirro

Guddoomiyaha Golaha shacabka oo la kulmay Safiirka Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya+Sawirro

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

January 14, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal qorsheysan oo ay si taxaddar leh uga fuliyeen duleedka degmada Afgooye...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

January 14, 2026
0

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa maanta guddoomiyay shir amni oo ka dhacay magaalada Laascaanood. Shirka...

Dibadbax ka dhan ah faragelinta YH-da oo ka dhacay degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Dibadbax ka dhan ah faragelinta YH-da oo ka dhacay degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

January 14, 2026
0

Boqolaal shacab ah ayaa maanta isugu soo baxay waddooyinka degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, iyagoo muujinayay dareenkooda ka dhanka ah...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.

January 14, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa magaalada Muqdisho ka furay shir muhiim ah oo u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In