Wednesday, September 3, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Muqdisho oo Xarunta D/Hoose ku qaabilay Safiirka Cusub ee Turkiga

admin by admin
December 11, 2018
in Wararka
0
Duqa Muqdisho oo Xarunta D/Hoose ku qaabilay Safiirka Cusub ee Turkiga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo Xafiiskiisa Xarunta Dawladda Hoose ku qaabilay Safiirka Cusub ee Dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Mehmet Yilmaz ayaa adkeeyey xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeysa labada dal.

 

Related posts

Soomaaliya iyo Serbia oo kala saxiixday heshiis iskaashi caafimaad

Soomaaliya iyo Serbia oo kala saxiixday heshiis iskaashi caafimaad

September 3, 2025
Duqa Muqdisho oo kulan la qaatay Safiirka Turkiga 

Duqa Muqdisho oo kulan la qaatay Safiirka Turkiga 

September 3, 2025

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ugu horreyn ku soo dhaweeyey Danjiraha Cusub Caasimadda dalka ee Muqdisho ayaa warbixin dheer ka siiyey Taariikhda faca-weyn ee ay ku fadhido Muqdisho, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo xiriirka soo jireenka ah ee ay wadaagaan labada bulsho.

“Xiriirka aan la wadaagno Turkiga waa mid ahmiyad gaar ah u leh bulshada Soomaaliyeed iyo sidii ay dib ugu soo kaban lahayd, Mudane Danjire ku soo dhawoow Muqdisho iyo dalkaagii labaad oo kaa rajeynaya muddada aad joogto in wax badan aad la qaban doonto.

Eng. Yarisow ayaa hoosta ka xariiqay in shacabka Soomaaliyeed aysan marna ilaawi doonin abaalka Turkiga, ugana mahad-celinayaan taageerada iyo waxqabadka muuqda ee suurageliyey in waddankeena uu tallaabo horey u qaado.

Safiirka cusub ee Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mudane Mehmet Yilmaz ayaa dhankiisa balan-qaaday in ay sii wadi doonaan garab istaaggooda dadka Soomaaliyeed, isagoo xusay ahmiyadda ay leedahay in la sii dardargeliyo taageerada aan shuruuddu ku xirnayn ee dalkiisa siiyo Soomaaliya.

Previous Post

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo furay tababarka dambiyada Abaabulan oo ay soo qaban qaabisay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda

Next Post

President Farmajo receives credentials from Sudanese, Turkey Ambassadors to Somalia

Next Post
President Farmajo receives credentials from Sudanese, Turkey Ambassadors to Somalia

President Farmajo receives credentials from Sudanese, Turkey Ambassadors to Somalia

Soomaaliya iyo Serbia oo kala saxiixday heshiis iskaashi caafimaad

Soomaaliya iyo Serbia oo kala saxiixday heshiis iskaashi caafimaad

September 3, 2025
0

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadam, oo ka mid ah wafdiga Ra’iisul Wasaaraha...

Duqa Muqdisho oo kulan la qaatay Safiirka Turkiga 

Duqa Muqdisho oo kulan la qaatay Safiirka Turkiga 

September 3, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya,...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo booqday Machadka farsamada ee ciidamada Serbia

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo booqday Machadka farsamada ee ciidamada Serbia

September 2, 2025
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallim Fiqi, ayaa maanta kormeer ku tegey Machadka Farsamada ee Ciidamada (Military Technical...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo si meeqaam sare ah loogu soo dhoweeyey Madaxtooyada Serbia

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo si meeqaam sare ah loogu soo dhoweeyey Madaxtooyada Serbia

September 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta magaalada Belgrade kulan miro dhal ah kula yeeshay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In