Thursday, September 11, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Khayre “Himilada Shacabka Koonfur Galbeed waa in ay deegaannadooda ku helaan amni iyo nolol wanaagsan”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
December 20, 2018
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Khayre “Himilada Shacabka Koonfur Galbeed waa in ay deegaannadooda ku helaan amni iyo nolol wanaagsan”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa u hambalyeeyey Madaxweynaha cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo ku guuleystay doorashadii ka qabsoontay Koonfur Galbeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u rajeeyey shacabka iyo Maamulka Koonfur Galbeed isbadal miro-dhal ah oo horseeda xasillooni buuxda iyo horumar ay si wada jir ah ugu tallaabsadaan bulshada iyo dhammaan deegaannada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Laascaanood

Guddoomiyaha SoDMA iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Laascaanood

September 11, 2025
Golaha Wasiirrada oo si adag u cambaareeyay weerarkii ay Israa’iil ku qaaday dowladda Qatar

Golaha Wasiirrada oo si adag u cambaareeyay weerarkii ay Israa’iil ku qaaday dowladda Qatar

September 11, 2025

“Waxa aan Madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed ugu hambalyeynayaa xilka loo doortay, anigoo xasuusinaya in himilada shacabka Koonfur Galbeed ay tahay in deegaannadooda ay ku helaan amni iyo nolol wanaagsan.”

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa faray hay’adaha heer Federaal in ay dardar geliyaan qorsheyaasha xal u helista caqabadaha nololeed iyo amni ee ka jira dhammaan deegaannada Koonfur Galbeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey Musharaxiintii xilka Madaxtinnimo, Guddiga Doorashada iyo Xildhibaannada Koonfur Galbeed dadaalkii ay geliyeen sidii loo sii amba qaadi lahaa hannaanka dimuqraadiyadda ee Koonfur Galbeed.

Sidoo kale, waxa uu ku ammaanay laamaha ammaanka heer Federaal, heer Dowlad Goboleed iyo guud ahaan bulshada Koonfur Galbeed sida ay ugu istaageen xaqiijinta amniga iyo in ay ka hortageen qorsheyaasha gurracan ee argagixisada Alshabaab ay doonayeen in ay ku dhibaateeyaan shacabka.

Previous Post

Xukuumadda oo Meel Marisay Ku-biiritaanka Soomaaliya ee Suuqa Ganacsiga Bariga iyo Koonfurta Afrika

Next Post

Daawo+Sawirro” Banaanbax lagu taageeeraayo Dawladda dhexe oo Maanta ka dhacay Magaalada Hobyo

Next Post
Daawo+Sawirro” Banaanbax lagu taageeeraayo Dawladda dhexe oo Maanta ka dhacay Magaalada Hobyo

Daawo+Sawirro" Banaanbax lagu taageeeraayo Dawladda dhexe oo Maanta ka dhacay Magaalada Hobyo

Guddoomiyaha SoDMA iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Laascaanood

Guddoomiyaha SoDMA iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Laascaanood

September 11, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdille, ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay magaalada Laascaanood, caasimadda dowlad...

Golaha Wasiirrada oo si adag u cambaareeyay weerarkii ay Israa’iil ku qaaday dowladda Qatar

Golaha Wasiirrada oo si adag u cambaareeyay weerarkii ay Israa’iil ku qaaday dowladda Qatar

September 11, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuurriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii gardarrada ahaa ee maamulka Israa’iil u gaystay dalka...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Suldaan Mustafa Awseed

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Suldaan Mustafa Awseed

September 10, 2025
0

Guddoomiyaha Hey'adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Suldaan Mustafa Awseed, oo ka mid...

Ku-simaha Madaxweynaha JFS oo Qaabilay Safiirka  Qatar ee Soomaaliya

Ku-simaha Madaxweynaha JFS oo Qaabilay Safiirka Qatar ee Soomaaliya

September 10, 2025
0

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In