Thursday, July 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

“Daawo+Sawirro” Arday Baratay Xirfada Gacanta oo Maanta Xaflad Qalin jabin ah loogu qabtay Gaalkayo”

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
“Daawo+Sawirro” Arday Baratay Xirfada Gacanta oo Maanta Xaflad Qalin jabin ah loogu qabtay Gaalkayo”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadaan lagu sagootinaayay  Ardaydaan ka baxday Dugsiga  Xirfadaha Gacanta iyo Tabbarada ee Mudug Technical,Vocational and Educational Training ayaa Maanta lagu qabtay Magaalada Gaalkacyo ee Xaruunta Nabadaynta Soomaaliyeed ahna Caasimadda Gobalka Mudug ee Bartamaha Dalka Hooyo.

Ardayda Maanta qalin jabisay Maxadka ayaa gaarayay 300 oo Ruux kuwaas oo bartay Maadooyinka Computer-ka, Korontada, English.ka  iyo makaanignimada  waxaana Xafladda ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka tirsan Degmada Gaalkayo,Wasaaradda Waxbarashada Galmudug, Madaxda Haayadaha SOSDA IYO DARYEEL oo bixiya Mashruuca Waxbarashada ee Ardaydaan ka qalin jabiyeen,Waalidiin iyo marti sharaf kale.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Munaasabadda Calan Saarka 1-da Luulyo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Munaasabadda Calan Saarka 1-da Luulyo

July 1, 2026
Kaarka NIRA oo laga dhigayo shuruud safarrada gudaha Dalka

Kaarka NIRA oo laga dhigayo shuruud safarrada gudaha Dalka

June 30, 2026

Madaxda SOSDA IYO DARYEEL ayaa Munaasabadda ka sheegay inay ka go,an tahay u shaqeynta bulshada iyo Dalka kana shaqeyn doonaan u adeegida muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Waxbarashada jecel.

Maayarka Gaalkacyo ee Galmudug Xirsi Yuusuf Bare iyo Agaasimaha Waxbarashada Gobalka Mudug ee wasaaradda Waxbashada Maamulka Galmudug Axmed Jaamac Aadan ayaa kaga mahad celiyay Mas’uuliyiinta SOSDA IYO DARYEEL dadaalada ay ugu jiraan kor uqaadista kobaca garaadka bulshada iyagoona kula dardaarmay Ardayda Maanta Xafladda loo qabtay inay Aqoontooda oga faa’ideeyaan Dalka.

Haayadaha SOSDA IYO DARYEEL ayaa ka shaqeeya arrimaha Waxbarashada Dalka iyadoo Ardaydii ka baxayna ay yihiin kuwo iminka shaqeeya Xaruumaha loogu adeego bulshada kuwaas o maareeya nolasha qoysaskooda ahna kuwa ka dhexmuuqda qeybaha kale.

Sawir Qaade: Wariye Baashi Ali Hashi

Previous Post

Daawo+Sawirro” Banaanbax lagu taageeeraayo Dawladda dhexe oo Maanta ka dhacay Magaalada Hobyo

Next Post

Jabuuti oo soo dhoweysay dedaallada nabadeed ee Gobolka ka socda

Next Post
Jabuuti oo soo dhoweysay dedaallada nabadeed ee Gobolka ka socda

Jabuuti oo soo dhoweysay dedaallada nabadeed ee Gobolka ka socda

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Munaasabadda Calan Saarka 1-da Luulyo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Munaasabadda Calan Saarka 1-da Luulyo

July 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa ka qeyb galay munaasabadda qaran ee Calan-saarka habeenka 1-da Luuliyo...

Kaarka NIRA oo laga dhigayo shuruud safarrada gudaha Dalka

Kaarka NIRA oo laga dhigayo shuruud safarrada gudaha Dalka

June 30, 2026
0

Hay’adda Aqoonsiga Qaranka (NIRA), oo kaashanaysa Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan wadatashi iyo wacyigelin...

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarunta cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha 

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarunta cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha 

June 30, 2026
0

Muqdisho, Juun 30, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarigga ka jaray xarunta cusub ee...

Wasiir Cali Xoosh “34 sano kadib dib ayaan gacanteena kusoo celinay Wasaaradda”. 

Wasiir Cali Xoosh “34 sano kadib dib ayaan gacanteena kusoo celinay Wasaaradda”. 

June 30, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Cali Xoosh, ayaa ka hadlay munaasabadda xarig-jarka xarunta dhexe ee Wasaaradda oo ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In