Tuesday, December 23, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Barnaamijyada

Ra’iisul Wasaaraha Dalka oo ka hadlay Barnaamijka Tubaha dowladda “Dhageyso”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Barnaamijyada, Faaqidaada Wararka, Tubta Toosan, Wararka, Wararka Raadiyahaa
0
Ra’iisul Wasaaraha Dalka oo ka hadlay Barnaamijka Tubaha dowladda “Dhageyso”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul wasaaraha  Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo maanta  hadal kooban ka jeediyay Masjidka Madaxtooyada Qaranka, ayaa faahfaahin ka bixiyay Tubaha Dowladda Soomaaliya u jeexday horumarinta dalka iyo ujeeddooyinka laga leeyahay hirgelinta tubahaasi.

 

Related posts

Xildhibaan Mahdi Guuleed iyo Wasiir Al-Cadaala oo qaatay kaarka codbixinta

Xildhibaan Mahdi Guuleed iyo Wasiir Al-Cadaala oo qaatay kaarka codbixinta

December 23, 2025
Xildhibaanada labada Aqal ee oo ansixiyay Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026

Xildhibaanada labada Aqal ee oo ansixiyay Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026

December 23, 2025

Mudane Xasan Cali Kheyre oo Salaadda Jimcaha kaddib ka hadlay Masjidka ayaa sheegay in khudbadda Sheekha ay la xiriirtay afar qodob oo ay dowladda ku shaqeyso, isagoo xusay in qodobada ay ka mid ahayd in la helo siyaasad degan.

“Dowladeenu waxay leedahay tub la yiraahdo tubta siyaasadda loo dhanyahay oo ka shaqeyso sidee dadka la isugu keenaa, sidee dastuurka loo dhameystiraa, sidee axsaab siyaasadeed loo aadaa, sidee awood qeybsiga looga shaqeeyaa, sidee dadka Soomaaliyeed mustaqbal boqolka sanno soo socota u yeeshaan ay ku dareemaan dowlad iyagu ay wada leeyihiin”. ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Ra’iisul Wasaare Kheyre waxa uu hoosta ka xariiqay in khudbadda Sheekha ay ku jirtay in la helo amni dhaqaale, isla markaana ay dowladdu leedahay tubta dhaqaalaha, taas oo ka shaqaysa kobcinta Dakhliga, la dagaallanka musuq-maasuqa, isku soo dhoweynta Ganacsatada iyo Dowladda, la fal galka hay’adaha dhaqaalaha Dunida, uruurinta canshuurta, si loo gaaro isku filnaasho loogana baxo Gacan hoorsiga iyo sidii loo soo celin lahaa sharafta iyo karaamada Ummadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaaraha oo ka jawaabayay su’aal ka timid Khaddiibka Masjidka oo ahayd sida loo ilaalin karo fekerka xag-jirka ah ayaa sheegay in Dowlad waliba Dadkeeda ay ku kasbato bixinta adeegga arrimaha Bulshada ee asaasiga ah, sida Caafimaadka, wax-barashada iyo Jidadka, taas oo Qofka dareensiin karta waxa ay u qabatay Dowladdiisa.

Halkan ka dhageyso Khudbadda Ra’iisul Wasaare Kheyre

https://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2018/12/Kheyre-khudbad.mp3
Previous Post

Qoysas ka soo cararay deegaannada Al-Shabaab oo ciidamada DANAB gaarsiiyeen deeq raashin ah “SAWIRRO”

Next Post

Duqa Muqdisho oo la kulmay Duqa Caasimadda dalka Switzerland “SAWIRRO”

Next Post
Duqa Muqdisho oo la kulmay Duqa Caasimadda dalka Switzerland “SAWIRRO”

Duqa Muqdisho oo la kulmay Duqa Caasimadda dalka Switzerland "SAWIRRO"

Xildhibaan Mahdi Guuleed iyo Wasiir Al-Cadaala oo qaatay kaarka codbixinta

Xildhibaan Mahdi Guuleed iyo Wasiir Al-Cadaala oo qaatay kaarka codbixinta

December 23, 2025
0

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenkii hore ee dalka Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed iyo Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...

Xildhibaanada labada Aqal ee oo ansixiyay Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026

Xildhibaanada labada Aqal ee oo ansixiyay Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026

December 23, 2025
0

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya oo maanta kulan wadajir ah yeeshay ayaa ansixiyey Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

December 23, 2025
0

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanayey kuwa Sirdoonka Qaranka iyo dadka deegaanka ayaa howlgal qorsheeysan oo lagu naafeynayey khawaariijta ka...

Wasiirka Deegaanka oo kormeer ku tagay deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Galmudug

Wasiirka Deegaanka oo kormeer ku tagay deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Galmudug

December 23, 2025
0

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa kormeer shaqo ku tagay deegaanno iyo degmooyin...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In