Sunday, January 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dib u howlgelinta Isbitaalka Xudur oo halsano jirsatay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Dib u howlgelinta Isbitaalka Xudur oo halsano jirsatay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadaan lagu soo bandhigayay waxqabadka isbitaalka Degmada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool oo dib u howlgelintiisa ay ka soo wareegatay mudo hal sano ah ayaa waxa kasoo qeybgalay mas’uuliyiinta maamulka degmada, bahda caafimaadka, aqoonyahanno, Isuduwaha Wasaaradda Caafimaadka ee Gobolka Bakool iyo qaar ka mid ah bulshadii adeegyada caafimaadka looga fidinayay tan iyo bilowgii sanada 2018.

 

Related posts

Haweenka Soomaaliyeed oo bannaanbax ka dhan ah xadgudub Israa’iil ee Soomaaliya ka dhigay Muqdisho

Haweenka Soomaaliyeed oo bannaanbax ka dhan ah xadgudub Israa’iil ee Soomaaliya ka dhigay Muqdisho

January 11, 2026
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Falastiin

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Falastiin

January 11, 2026

Ugu horeyn Madaxa Caafimaadka isbitaalka Degmada Xudur Dr. Cismaaciil Maxamed Jeyte ayaa ka warbixiyey wax qabadka Cisbitaalka.

“Halsano ka hor wax adeeg caafimaad ah kama jirin magaalada Xudur ee Gobolka Bakool, Cabdi Ooyow wuxu ka mid yahay qoysaska ehladooda ku waayay isbitaal la’aanta ka jirtey magaalada xudur, waxaana aad ugu faraxsanahay in iminka uu si aad ah  u shaqeeyo isbitaalka” ayuu yiri Dr Cismaan.

Wardheere Axmed wuxu ka mid yahay dadka eheladooda adeeg caafimaad looga fidiyay isbitaalka, wuxuna sheegey in xaaskiisa oo mudo dhowr maalmood ah foolanaysay qaliin lacag la’aan ah loogu sameeyey iyada iyo ubadkeedana la kala badbaadiyey.

Waxa kale oo munaasabadda ka hadlay shaqsiyaad qaliin kala duwan loogu sameeyey isbitaalka. Isuduwaha Wasaaradda Caafimaadka ee Gobolka Bakool Mustaf Maxamed Axmed iyo Cali Adan Axmed oo ku Hadley magaca aqoonyahanada ayaa sheegey in magaalada Xudur ay ka soo kabanayso baahi dhanka adeegyada caafimaad oo ka jitay.

Intaas kaddib Agaasimaha Guud ee isbitaalka Degmada Xudur Dr. Isak Maxamed Noor Boorow kana mid ah dhakhaatiirta ka howlgasha isbitaalka ayaa sheegey in qalabka haatan ay ku shaqeynayaan aysan ku filneyn. isagoo u mahadceliyey Wasaaradda caafimaadka ee Koonfur Galbeed oo gacanta ku haysa isbitaalka.

Gabagabadii munaasabada waxa soo xirey Guddoomiyaha Arimaha Bulshada ee Degmada Xudur Malaaq Cabdiraxmaan iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Gbolka Bakool Cabdullaahi Maxamed Nuurr Isnake waxayna shahaado sharaf guddoonsiiyeen dhakhaatiirta isbitaalka.

 

 

 

Previous Post

Soomaaliya oo samaynaysa kobac dhaqaale oo xowli ah

Next Post

Duqa Muqdisho oo ka qeybgalay Ololaha Nadaafadda ee Isxilqaan “SAWIRRO”

Next Post
Duqa Muqdisho oo ka qeybgalay Ololaha Nadaafadda ee Isxilqaan “SAWIRRO”

Duqa Muqdisho oo ka qeybgalay Ololaha Nadaafadda ee Isxilqaan "SAWIRRO"

Haweenka Soomaaliyeed oo bannaanbax ka dhan ah xadgudub Israa’iil ee Soomaaliya ka dhigay Muqdisho

Haweenka Soomaaliyeed oo bannaanbax ka dhan ah xadgudub Israa’iil ee Soomaaliya ka dhigay Muqdisho

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Bannaanbax ballaaran oo ay soo abaabuleen Haweenka Soomaaliyeed ayaa maanta ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho, kaas...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Falastiin

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Falastiin

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa magaalada Jeddah kulan kula yeeshay dhigiisa Marwo Dr....

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO(JEDDAH):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa caawa fiidkii magaalada Jeddah kulan kula yeeshay dhiggiisa...

Ciidamada Xaq-u-dirirka Deegaanka oo jab culus gaarsiiyay Khawaarijta

Ciidamada Xaq-u-dirirka Deegaanka oo jab culus gaarsiiyay Khawaarijta

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO(HIIRAAN):-Ciidamada Xaq-u-dirirka deegaanka ee Macawisleyda ee Gobolka Hiiraan, ayaa fuliyay howlgal ballaaran oo si weyn loogu jabiyay maleeshiyada kooxda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In