Tuesday, November 4, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidanka Kenya oo iska caabbiyay weerar ay ku qaadday Koox lagu tuhunsanyahay Al-Shabaab

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Ciidanka Kenya oo iska caabbiyay weerar ay ku qaadday Koox lagu tuhunsanyahay Al-Shabaab
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Afar Qof ayaa ku dhaawacmay is rasaasayn xooggan oo dhex martay Ciidanka difaaca Dalka Kenya iyo Koox Hubeysan oo lagu tuhmayo inay ka tirsan yihiin Kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

 

Related posts

Hay’adda SoDMA iyo Wasaaradda Maaliyadda oo Daahfuray Mashruuc  Lagu Xoojinayo Ka Jawaabidda Masiibooyinka Degdegga ah

Hay’adda SoDMA iyo Wasaaradda Maaliyadda oo Daahfuray Mashruuc Lagu Xoojinayo Ka Jawaabidda Masiibooyinka Degdegga ah

November 4, 2025
Ra’iisul Wasaaraha XFS oo furay Madasha Hab-Maamulka Internet-ka Soomaaliya ee 2025

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo furay Madasha Hab-Maamulka Internet-ka Soomaaliya ee 2025

November 4, 2025

Siddeed Nin oo ku Hubeysan Qoryaha fudud ee Ak-47 ayaa weerar ku qaadday degaanka Shimbirreey oo 50 Km u jirta Magaalada Gaarisa, halkaas oo ay xarun ku leedahay Shirkad samaysa Waddooyinka oo laga leeyahay Dalka Shiinaha.

Taliyaha Ciidanka Boliiska is-maamulka Gaarisa, Richard Kerina, ayaa sheegay in ay Ciidanku jawaab deg-deg ah ka bixiyeen weerarka ay Dableydu kusoo qaadday xarunta shirkadda, haatanna ay ku raad joogaan.

Qaar ka mid ah Dadka oo Magacyadooda ka gaabsaday ayaa warbaahinta Kenya u sheegay in ay kooxdu ay soo Af-duubteen Nin ka tirsan degaanka, iyagoo ammar ku siiyay in uu tuso halka ay Shirkaddu deggen tahay.

Dadka dhaawacmay ayaa waxaa ka mid ahaa Hawweneey ka tirsanayd waardiyaha Xarunta iyo Seygeeda, kuwaas oo haatan ay la tacaalayaan xaaladdooda Caafimaad dhaqaatiirta Isbitalka Gaarrisa.

Previous Post

Wasaaradda Boostada & Isgaarsiinta oo dalbatay in degdeg loo joojiyo burburinta xarumaha isgaarsiinta Soomaaliyeed

Next Post

Al-Shabaab oo isaga baxay degaanno ka tirsan Galgaduud

Next Post
Al-Shabaab oo isaga baxay degaanno ka tirsan Galgaduud

Al-Shabaab oo isaga baxay degaanno ka tirsan Galgaduud

Hay’adda SoDMA iyo Wasaaradda Maaliyadda oo Daahfuray Mashruuc  Lagu Xoojinayo Ka Jawaabidda Masiibooyinka Degdegga ah

Hay’adda SoDMA iyo Wasaaradda Maaliyadda oo Daahfuray Mashruuc Lagu Xoojinayo Ka Jawaabidda Masiibooyinka Degdegga ah

November 4, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo ay wehliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Mudane Suleymaan,...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo furay Madasha Hab-Maamulka Internet-ka Soomaaliya ee 2025

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo furay Madasha Hab-Maamulka Internet-ka Soomaaliya ee 2025

November 4, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa si rasmi ah u daah-furay Madasha Hab-Maamulka Internet-ka Soomaaliya ee...

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo Khudbad ka jeediyey Shirka Caalamiga ah ee la dagaallanka Gaajada

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo Khudbad ka jeediyey Shirka Caalamiga ah ee la dagaallanka Gaajada

November 4, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa ka qeyb galay Shirkii ugu horreeyey ee hoggaamiyeyaasha...

Qaramada Midoobay oo agab casri ah ku wareejisay Soomaaliya

Qaramada Midoobay oo agab casri ah ku wareejisay Soomaaliya

November 3, 2025
0

Wasiirrada Gaashaandhigga, Cadaaladda iyo Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeybgalay munaasabad uu Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Howlaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In