Thursday, January 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Al-Shabaab oo isaga baxay degaanno ka tirsan Galgaduud

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Al-Shabaab oo isaga baxay degaanno ka tirsan Galgaduud
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Malleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa isaga baxay degaannada Ceel-baxay,Goola-goole iyo Dudun-cad, oo dhanka Koofureed ka xiga Degmada Guri-Ceel ee Gobolka Galgaduud.

 

Related posts

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

January 8, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

January 8, 2026

Dadka degaannadaasi ku dhaqan ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in ay arkeen Malleeshiyaadka oo halkaasi isaga guuraya, iyagoo u jiheystay dhanka Degmada Ceel-buur, markii ay lasoo gudboonaatay cabsi fara badan oo kaga timid Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa maamulka Galmudug oo halkaasi ka wada howl-gallo ka dhan ah Kooxda nabad-diidka.

Dhowaan ayay ahayd markii uu Wasiirka amniga ee maamul goboleedka Galmudug, Saadaq Sheekh Yuusuf, sheegay in ay isugu yeereen Saraakiisha Ciidamada, si ay ugu diyaar garoobaan hol-gal ka dhan ah Al-Shabaab si loo xoreeyo degaannada ay Gobolka kaga sugan yihiin.

Waxaa sidoo kale soo dedejisay ka bixista Ururka Al-Shabaab degaannada ka tirsan Galgaduud, markii ay kordheen duqeynta xagga Cirka ah ee lagu bar-timaameedsanaya goobaha ay ku sugan yihiin, iyadoo Laba Cisho ka horna ay duqeyn xooggan ka dhacday Tuulada Dudun-cad oo ka mid ah meelaha ay haatan ka carareen argagixisadu.

Tags: seyd omar sheikh ismail
Previous Post

Ciidanka Kenya oo iska caabbiyay weerar ay ku qaadday Koox lagu tuhunsanyahay Al-Shabaab

Next Post

State Minister for Foreign Affairs receives a copy of the credentials of the new Indonesian ambassador

Next Post
State Minister for Foreign Affairs receives a copy of the credentials of the new Indonesian ambassador

State Minister for Foreign Affairs receives a copy of the credentials of the new Indonesian ambassador

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

January 8, 2026
0

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Janaraal Xasan Dhicisow, ayaa gaaray deegaanka...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

January 8, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa booqasho kormeer ah ku tagay degmada Matabaan ee...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

January 8, 2026
0

Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa lagu qabtay munaasabad lagu dhiirrigelinayay saraakiisha booliska...

Culimada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo Cambaareeyay Faragelinta YH-da ee dalkeenna.

Culimada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo Cambaareeyay Faragelinta YH-da ee dalkeenna.

January 8, 2026
0

Culimada Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Koonfur Afrika ayaa si adag u cambaareeyay faragelinta qaawan ee ay YH-da Israa’11l ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In