Tuesday, July 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka golaha wasiirrada oo looga hadlay dhibaatada ciidanka Kenya ay u gaysteen xarumaha Shirkadda Hormuud +Sawirro

caqiil by caqiil
7 years ago
in Wararka
0
Shirka golaha wasiirrada oo looga hadlay dhibaatada ciidanka Kenya ay u gaysteen xarumaha Shirkadda Hormuud +Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta guddoomiyay shirka golaha wasiirrada oo looga hadlay dhibaatada ciidanka Kenya ay ku hayaan Xarumaha shirkadda Isgaarsiinta Hormuud, hawlaha muhiimka ah ee sannadkaan la doonayo in la qabto iyo hab-raaca heshiisyada Caalamiga ah.

Shirka ayaa ugu horayn looga hadlay hal-beegyada afarta tubood ku jira ee wasiirradu ay ballan qaadeen in ay fulinayaan sannadkaan 2019, waxaana golohu isku raacay in sannadkaan uu noqdo sannad shaqooyin badan la qabto isla xisaabtankana la dardar-geliyo.

Related posts

Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka oo howlgalo ku burburiyay fariisimo Khawaarijtu ku lahayd Jubbada Hoose

Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka oo howlgalo ku burburiyay fariisimo Khawaarijtu ku lahayd Jubbada Hoose

July 14, 2026
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Kenya

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Kenya

July 14, 2026

Wasiirka boostada, isgaarsiinta iyo teknoologiyadda XFS, Eng. Cabdi Canshuur Xasan, ayaa intaa kadib goloha wasiirrada war bixin ka siiyay xaruma ay leedahay shirkadda Isgaaarsiinta Hormuud oo ay burburiyeen ciidanka Kenya.

Golaha ayaa isku raacay in dhibaatada xarumaha la gaarsiiyay looga hadlo kulan ay dawladaha Soomaaliya iyo Kenya ku yeelanayaan magaalada Mandheera ee dalka Kenya.

Shirka golaha ayaa ugu dambayn dood dheer looga yeeshay hab-raaca heshiisyada caalamiga ah oo golaha uu usoo gudbiyay garyaqaanka guud ee dawladda.

Previous Post

AMISOM, Somalia’s senior security officials discuss implementation of CONOPS

Next Post

Sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu dilay duqeyn ka dhacday Soomaaliya

Next Post
Sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu dilay duqeyn ka dhacday Soomaaliya

Sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu dilay duqeyn ka dhacday Soomaaliya

Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka oo howlgalo ku burburiyay fariisimo Khawaarijtu ku lahayd Jubbada Hoose

Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka oo howlgalo ku burburiyay fariisimo Khawaarijtu ku lahayd Jubbada Hoose

July 14, 2026
0

Ururka 162-aad ee Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgallo burburin ah ka fuliyay deegaannada Lafa-gari, Xabala Afwaax, iyo...

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Kenya

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Kenya

July 14, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, oo howlo shaqo u jooga magaalada Nairobi,...

Ciidanka oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Sablaale

Ciidanka oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Sablaale

July 14, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay degaano hoostaga magaalada Sablaale ee gobolka Shabeellaha Hoose. Howlgalkaan ayaa ka...

Wasiirka Qoyska XFS oo saxiixday buugga tacsida ee Amiirkii hore ee Qatar

Wasiirka Qoyska XFS oo saxiixday buugga tacsida ee Amiirkii hore ee Qatar

July 14, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa maanta ku saxiixday buugga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In